X
    Categories: Warar

“Kamaan Bixin Balantii Saaxiibaday Ee Waxaan Kala Xishooday Madaxweyne Siilaanyo Inaan Ka Taggo, Xirsina Dibbeda Ayaan Saaxiib Ku Nahay Maxmuud Xaashina Madaxtooyadda” Cabdullaahi Cukuse

Hargeysa (ANN)Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Cabdullaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa ka hadlay mawqifkiisa siyaasadeed iyo sababta uu uga hadhay saaxiibadii uu Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Xisri ka mid ahaa, kuwaas oo dhowaan mar keliya, iyagoo dhawr iyo toban Wasiir iyo masuuliyiin kale iska casilay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Hase yeeshee Wasiir Cukuse, oo maanta ka hadlay munaasibad xilka loogu kala wareejinayay Wasiirka Cusub ee Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi oo hore u ahaa Wasiirka Duulista iyo Wasiirkii hore ee Madaxtooya Xirsi Xaajl Cali. waxa uu sheegay in su. aasha ugu baddan ee la weydiiyaa tahay sababta uu saaxiibadii uga hadhay, wuxuuna , isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,

“Waxay dad baddan i weydiiyaan, ama noqotay su’aasha ugu baddan ee lay weydiiyo waxa aan saaxiibadaydii is casilay uga hadhay, waxaan idiin sheegayaa, Xirsi iyo ragga kale dhamaantood waxay ahaayeen saaxiibo aanu soo wada shaqaynay, welina waanu nahay saaxiibo, saaxiibaday waxaan ku balansanayn inaan foodka meel u wada ridno marka shirka golaha dhexe ee KULMIYE, la gaadho, iminkana foodka dhinacoodii baan u ridayaa, laakiin waxaan la shaqaynayaa Madaxweyne Siilaanyo inta uu xilka hayo” ayuu yidhi Cabdullaahi Cukuse.
sidoo kale waxa uu yidhi, “Axmed Siilaanyo aniga wuu i magcaabay, wuu i sharfay, isagaana xaqaa lahaa inuu i magcaabo, waxa kale oo uu leeyahay xaqa ah, inuu xilka iga qaado, aniguse xaqa aan lahaa ee ah inaan xilka ka tago Axmed Siilaanyo, waan kala xidhooday,Madaxtoyaddana anoo wasaarad kale jooga ayaan ka mid ahaa, waana kasii mid ahaanayaa,” ayuu yidhi.

Wasiir Cukuse, waxa uu sheegay in mar walba uu Madaxtooyadda u badnaa, isagoo wasiir ku xigeen ah, markii uu Afhayeenka ahaa iyo hadda oo uu yahay Wasiir, wuxuuna xusay inay Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda saaxiibo dhow ahaayeen, isla markaana uu wasiirka cusubna saaxiib kula noqonayo Madaxtooyadda, isagoo yidhi, “Xisri waxaan saaxiib ku nahay dibbada Maxamuud Xaashina Madaxtooyadda ayaan saaxiib ku ahaanaynaa oo labadayaduba waxaan la shaqaynaynaa Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. mana filayo in laga wer werayo Madaxtooyadda oo waa nin kasoo bixi kara hawsha oo waayo aragnimo baddan leh,” ayuu yidhika Cukuse oo maanta hadal ka jeediyay xaflada xil wareejinta ee Wasiirka Madaxtooyadda iyo masuuliyiin kale oo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post