X
    Categories: Warar

Kacdoono Ka Bilaabmay Caasimadda Ethiopia kadib Dilka Fannaan Caan Ah

Haacaaluu Hundeessaa

Waxay toogteen Wadnihii Qowmiyadda Oromada” Jawar Mohammed

Addis Ababa(ANN)-Dhallinyaro ka cadhaysan dilka fanaan caan ah ayaa gubay taayiro intii ay socdeen dibad-baxyo xooggan oo maanta ka dhacay caasimadda Ethiopia ee Addis-Ababa, kaasi oo carradooda ay ku muujinayaan qowmiyadda uu kasoo jeedo ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ee Oromada.

Madaxa booliska Addis Ababa Getu Argaw ayaa Isniintii warbaahinta dowladda u sheegay in Haacaaluu Hundeessaa, oo ahaa fanaan Oromo ah kuna caan-baxay heeso mucaarad ah la toogtay 9:30 pm. Waxaa la xidhay dad lagu tuhmayo dilka, sida uu sheegay.

Saaka ayaa waddooyinka Addis Ababa ee caadiyan mashquulka badan waxay ahaayeen kuwa maran, ayada oo dibad-baxayaasha ay gubeen taayiro ayna ku qeylinayeen erayo kala duwan.

Waxaa sidoo kale la jaray internet-ka Ethiopia, oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika, taasi oo ah wax mar walba dhaca marka ay socdaan dibad-baxyada siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa farriin uu soo dhigay twitter-ka uga tacsiyeeyey dilka, wuxuuna ballan-qaaday baadhitaan isaga oo shacabkana weydiistay inay isdejiyaan.

Haacaaluu, oo ahaan jiray maxbuus siyaasadeed, ayaa caan noqday intii ay socdeen dibad-baxyadii dheeraa ee dalkaas ka dhacay, kuwaas oo horseeday in Abiy Ahmed uu xafiiska yimaado 2018.

“Ma aysan dilin oo kaliya Hachalu. Waxay toogteen wadnihii Qowmiyadda Oromada, mar kale..Waad na dili kartaan dhammaan, marna nama joojin kartaan, marnaba” waxaa sidaas facebook soo dhigay Jawar Mohammed, oo ka mid ah hogaamiyayaasha Oromada.

REUTERS

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post