X
    Categories: Warar

Ka Qaybgalka Madaxweynaha Somaliland Ee Qalin-Jebinta Dufcaddii 17-Aad Ee Jaamacadda Gaarka Loo Leeyahay Ee Golis

Madaxweyne Muuse Biixi

  Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay qalin-jebinta dufcaddii 17-aad ee qalin-jabisa jaamacadda GOLIS University  ee gaarka loo leeyahay oo xarunteeda tahay Magaalada Hargeysa.  

 

Munaasibaddan oo lagu qabtay Huteelka Maansoor, iyadoo ay ku qalin-jabiyeen 784-Arday oo wax ka baratay Jaamacadda GOLIS, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey xubno kamid ah golaha wasiirrada, hormoodka jaamacadda Golis, ardayda qalin-jabisay iyo waalidkooda, xildhibaanno, siyaasiyiin iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo ardayda wax baratay, isla markaana lagu hogo-tusaalaynayey sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen dhismaha mustaqbalkooda iyo wax u qabashada dalkooda Hooyo.

Ugu horrayn hormoodka jaamacadda GOLIS, ayaa si qoto dheer uga sheekeeyey marxaladihii kala duwanaa ee ay jaamacaddu soo martay, waxana ay shaaciyeen inay soo saareen kumannaan da’yar oo ku hubaysan noocyada kala duwan ee aqoonta, kuwaas oo noloshooda wax ka beddelay. Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna dhinaciisa bogaadiyey ardayda jaamacadda GOLIS ka qalin-jabisay, waxana uu ku bogaadiyey inay u diyaar garoobaan sidii ay bulshadooda iyo dalkoodaba wax ugu qaban lahaayeen.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ardayda qalin-jabisay xusuusiyey duruufihii adkaa ee ay noloshooda kusoo qaateen dadka horumarka sameeyey iyo sidii ay usoo samreen, isaga oo hoosta ka xarriiqay in ardaydana looga baahan yahay inay duruufaha soo wajaha u samraan, waxana uu yidhi, “Dadkeennii hore ee miyiga ku dhaqnaa duruufo kuwan ka adag bay ku noolaayeen oo ay nolosha wax kaga saareen, bal u fiirso nin kasta oo taajir soo sameeyey Somaliland, nin Iskuul galay ma jiro, nin la gacan-qabtayna ma jiro, qof walibana isagaa isa soo saaray.” Wa-bilaahi Tawfiiq — Naasir Yuusuf Daahir Director of the Presidential Media Department Hargeisa – Republic of Somaliland

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post