X

Jubbaland: Axmed Madoobe Oo Mar Kale Shuruud Ku Xidhay Wada Hadalada Khilaafka Doorashada

Araweelo News Network.

#Jubbaland@Axmed Madoobe Oo Mar Kale Shuruud Ku Xidhay Wada Hadalada Xalka Loogu Raadinayo Khilaafka Doorashada.

Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Jubbaland

Kismaayo(ANN)-Madaxweynaha maamul gobolleedka Soomaaliya ee Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, (Axmed Madoobe), ayaa mar kale shuruud ku xidhay wada hadalka dawladda Federaalka.

Axmed Madoobe, ayaa dhanka kale, soo dhoweeyay wada hadalada ra’iisal wasaaraha dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo kooxda siyaasiyiinta ee la baaxy Midawga Murrashaxiinta.

 

Madaxweynaha maamul gobolleedka Jubbaland, Axmed Madoobe, wuxuu qoraal kooban oo uu ku shaaciyay caawa bartiisa Twitter .

“jubbaland, waxay qabtaana in la tabantaabiyo waqtina la siiyo wada hadalada u dhexeeya Ra;iisal wasaare Rooble iyo midowga murrashaxiinta.”

AKHRI: Madaxweynaha Jubbaland Oo Soo Bandhigay Qaabka Lagaga Bixi Karo Khilaafka Siyaasadeed

Dhinaca kalem wuxuu sheegay in Jubbaland diyaar u tahay ka qaybgalka la doonayo in khilaafka doorashada xal lagaga gaadho.

Balse wuxuu ku xidhay shuruud ah in shirkaasi noqdo mid goob amaan ah ka dhaca, “Jubbaland, waxay sidoo kale diyaar u tahay ka qayb galka shir ka dhaca meel amnigeeda lagu kalsoon yahay, gundhigiisuna yahay heshiiskii Sep17” ayuu ku yidhi, qoraalka uu ku shaaciyay bartiisa Twitter.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post