X
    Categories: Warar

Jillaa Naftiisa Ku Waayay Filim Uu Ku Metelayay Is Deldelaad

Jillaa Filim ku Metelayey Is-deldelaad oo u Geeriyooday

Araweelo News Netork

Roma(ANN)Nin aflaamta metela (actor) oo Jillayay Filim, isla markaana u dhashay dalka Talyaaniga, ayaa lagu dhawaaqay inuu maskax ahaan dhintay, kadib markii uu ka dhabeeyay daldalaad uu filimka ku metelayey intii uu metelaada Filimka ku guda jiray.

Garsoorka Gobolka Tuscany ee dalka Talyaaniga, ayaa sheegay in jilaagan oo filim ku metelayey in la deldelay ay si khalad ah u dhacday oo ay dhab ku noqotay, taasina keento in maskaxdiisu dhimato oo jidhka sare oo kaliya noolaado.

Xarun la yidhaa The Teatro Lux oo ku taala degaanka Pisa, ayaa war-murtiyeed ay soo saartay lagu sheegay in 10 maalmood ay xidhnaanayso, kadib markii ay si kedis ah ugu dhacday dhacdo naxdin leh.
Ninkan jilaaga ah oo magaciisu yahay Raphael Schumacher oo 27 jir ah oo u dhashay waqooyiga Talyaaniga, ayaa filim ku jilayey isagoo isa soo deldelaya, balse si dhab ah dhacdadu u dhacday, iyadoo xadhigu ku fakaday, sidaasna uu ku deldelmay.

Arrintan naxdinta leh, ayaa dhacday 30 January ee sannadkan 2016 oo filimkan la soo bandhigayey, waxaana jillaaga ku dhacday inuu caafimaad ahaan dhinto oo maskax ahaan uu shaqayn waayo, sida uu sheegay cusbitaalka University of Hospital of Pisa, halkaa soo uu koomo ahaan ku jiro.

Booliska ayaa baadhitaan ku haya Afar qof oo dhacdan ku lug lahaa, kuwaasoo shirkadda uga shaqaynayey tiyaatarka, loogana shakiyey in dilku si dhab ah u dhacay.

Wargeys maalinlaha ah ee Corriera dealla Sera oo Talyaaniga ka soo baxa, ayaa sheegay in jillaagu doortay daqiiqadihii u dambeeyey inuu jilo isagoo xadhiga isku dilaya, halka uu baastoolad ka isticmaali lahaa sida ay ka soo xigteen maamulka shirkadda.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post