X
    Categories: Warar

Jidka Berbera ilaa Wajaale oo la Dhammaystirayo ka Hor Hawlgalka Shirkadda DP World

Araweelo News Network

Dr. Sacad Cali Shire wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland

Addis Ababa (ANN) Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya, ayaa isla qaatay in dhismaha jidka isku xidha Berbera ilaa Wajaale (Berbera Corridor) la dhammaystiro ka hor inta aanay shirkadda DP World si rasmi ah u bilaabin shaqadeeda lagu maalgelinayo dekedda Berbera.
Sida lagu sheegay qoraal luqadda Ingiriisiga ku qoran oo lagu faafiyey facebook-ga Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo lagaga hadlay kulan Wasiir Sacad Cali Shire magaalada Addis Ababa kula yeeshay Wasiirka Khaarajiga Itoobiya Dr. Tedros Adhanom toddobaadkan, waxa labada dawladood go’aansadeen inay iska kaashadaan dhinacyada dhaqaalaha iyo ganacsiga.
“Waxa ay si wax-ku-ool ah uga wada xaajoodeen dhismaha jidka magaalada Berbera ku xidhaya caasimadda Addis Ababa (Berbera Corridor), waxayna isku raaceen baahida loo qabo in la dammaanad qaado sidii loo dhammaystiri lahaa dhismaha jidka Berbera ku xidhaya Wajaale ka hor inta aanay shirkadda DP World si buuxda uga hawlgelin (maalgelinta dekedda Berbera),” ayaa lagu yidhi qoraalka.
Waxa kaloo lagu sheegay in jidka isku xidha dekedda Berbera iyo Addis Ababa uu waxtar weyn u leeyahay ganacsiga u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.
“Itoobiya waxa ka go’an oo ay ballanqaaday inay badeecadaheeda ay dibbada kala soo degto iyo kuwa ay dhoofiyso ay 30% mariso Dekedda Berbera, taasoo ka dhigaysa jidka Berbera ilaa Wajaale ka dhigaysa mid muhiim u ah ganacsiga u dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya,”ayey tidhi Wasaaradda Khaarajiga Somaliland.
admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post