X

#Jerusalem: Xamaas Oo U Quusgoysay Israel Xabad Joojinta Kadib Dabaaldega Masjidka Laga Xoreeyay Yuhuuda Ee Al-Aqsa

Jerusalem: Xamaas Oo U Quusgoysay Israel Xabad Joojinta Kadib Dabaaldega Masjidka Laga Xoreeyay  Yuhuuda Ee Al-Aqsa 21 May 2021, Image Araweelo News Network

.Araweelo News Network

#Jerusalem @Qaza(ANN)-#Israel iyo #Falastiin ayaa mid walba dhiniceeda soo dhowaysay xaabd joojinta, iyadoo la arkayay dbaaldegyo Yuhuuda iyo kooxda iska caabinta Falstiin ee Xamaas, kadib markii xabad joojin ay ka shaqaysay dawladda Masar lagaga dhawaaqay si loo soo afjaro duqaynaha socday 11 maalmodo ee xidhidihka ah.

Hase yeeshee Booliska Israel, ayaa maanta gaasta dadka kaga ilamysiisa u adeegsaday kumanan falastiiniyiin ah oo ku cibaadaysanayay Masjidka Al -Aqsa salaadii Jimcaha xilli laga joogo xabad joojinta saacado kooban.

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in la muujiyo deganaan kadib markii booliska Israel ay weerarreen dhismaha masjidka Al-Aqsa salaadii jimcaha, waxayse falastiiniyiintu sutada u qabteen Booliska Yuhuuda. .

Heshiiska xabad joojinta ee Israel iyo kooxaha Xamas ee Falastiiniyiinta ee ku sugan Marinka Qaza ayaa u muuqday in uu noqonayo mid sii socda sida muuqatay saacadihii hore ee Jimcihii, balse wxaa jiray xiisado ka taagan Bariga Qudus ee Yuihuudu xoogga ku haysto, iyadoo booliska Israel xoog ku galeen xarunta Masjidka Al-Aqsa oo sunta dadka ka ilmeysiisa ay ku rideen Falastiiniyiinta salaaddii Jimcaha kadib, taas oo muujisay in xaaladdu aannay weli ahayn xabad joojin, balse laysu nasanayo.

 

Xukuumadda Dalka Masar ayaa dhexdhexaadisay Yuhuuda iyo kooxda iska caabinta Falastiin ee Xamaas mana jirin wax duqaymo ah oo dhacay, iyadoo Isarel 11 maalmood ku waday ganaatlo aan loo meel deyin iyo go’doomin ay ku soo rogtay Xamaas oo ah kooxda maamusha Marinka Qaza.

Kumanaan Falastiiniyiin ah oo ku sugan Marinka Qaza iyo Daanta Galbeed ayaa ku soo qulqulay waddooyinka si ay ugu dabbaaldegaan xabad joojinta, iyagoo ruxaya calammo calanka Falastiin, isla markaana ku dhawaaqaya ereyo ay Allah ugu xamdiyayaan oo muujinaya guusha iska caabinta Yuhuuda 11 maalmood oo duqayn aan waxba loola hadhin.

Dhinaca kale, Israel ayaa sheegatay in ay guul ka gaadhay dagaalka dhawr iyo labaatanka caanamaal ay ka waday Qaza, waxaana magaalooyinka Yuhuuda qaarkood dadku isgu soo baxeen banaanka iyagoo doonaya in ay muujiyaan taageero xukuumadda Yuhuuda, waxaase mudadii duqaymuhu socdoon bandow lagu soo roggay magaalooyin badan oo guddaha Israel iyo dhulka ay xoogga ku haysato kadib markii dagaalo iyo rabshado ay sababeen duqaymaha Qaza ka dhasheen Yuhuuda iyo Carabta magaalooyinkaa wada degan.

Xukuumadda Riyaad ayaa ka hadashay arrinta Qaza, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Sacuudiga (SPA) Boqor Salmaan ayaa cambaareeyay waxa uu ugu yeedhay gardarada Israel ee Qudus iyo Marinka Gaza, isagoo  khadka taleefanka kula xidhiidhay madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas.

 

Boqor Salmaan, ayaa sidoo kale sheegay in boqortooyadu ay sii wadayso inay la xidhidiho dhammaan dhinacyada si ay cadaadis u saarto dowladda Israel.

 

Sacuudiga iyo dhawr dal oo carbeed ayaa heshiiska Abrahan Agreement la galay kal hore dawladda Israel, wuxuuna mar sii sii horaysay soo dhaweeyay Sacuudgu dhawaaqida xabad joojinta, iyadoo xukuumadda Riyaad sheegtay inay qadarinayso dedaalada dhexdhexaadinta ee Masar iyo caalamka, wakaalada wararka ee dowladda (SPA) ayaa sidaa sheegtay, iyadoo soo xiganaysa war kasoo baxay wasaarada arrimaha dibedda, waxaana bayaanka lagu xaqiijiyay sii wadida dadaalka boqortooyada ee xulafada si xal loo gaadho.

Duqeynta Yuhuuda ee socotay 22 caanamaal oo gantaallaha sida roobka cirka, dhulka iyo Badda lagaga garaacay Qaza waxaa ku dhintay ugu yaraan 248 Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 66 carruur ah, waxayna sababeen burbur baahsan oo gaadhay dadka markii horeyba  saboolka ahaa ee reer Falastiin. Dhinaca Israel, waxaa ku dhintay 12 qof, oo ay ku jiraan laba carruur ah.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post