X
    Categories: Warar

Jeneraal Cali Samatar Oo Geeriyooday

Araweelo News Network
Virgina(ANN) jeneraal Maxamed Cali Samatar oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaaliya, ayaa ku geeriyooday dalka Maraykanka, isagoo da’diisu ay ahayd 85 jir, wuxuuna ku geeryooday cisbitaal ku yaalla gobolka Virgina ee dalka Maraykanka, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen qaar ka mid kamid ah qaraabadiisa.

Cali Samatar, wuxuu ka mid ahaa saraakiisha sida wayn ugu lug lahayd dhismaha milatariga Soomaaliya, balse xiliyadii sideetanaadkii dagaaladii ka dhacay Somalia, wuxuu ahaa sarkaalka ugu sarreeya xiligan ee dawladdii kacaanka oo ay ku socotay dacwad ka dhan ah, isagoo loo haystay xasuuqii kumanaan shacbiga gobolada Woqooyi oo waqtigan ah Somaliland oo ciidamadii Taliskii Maxamed Siyaad Bare si badheedh ah u xasuuqeen.

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa sanaddii 2010-kii go’aamisay in dacwad la xidhiidha xasuuqa lagu eedeynayay lagu soo oogi karo jenaraal Samatar, wuxuuna Jeneral Samatar qirtay inuu ahaa ninki bixiyay amarka duqaymihii diyaaradaha ee Hargeysa iyo Burco, balse wuxuu ku dooday in aanu wax denbi ah gelin, isagoo eedaymahaa ku tilmaamay kuwo siyaasadaysan.

Gen; Cali Samatar ayaa hore Maxkamad ku taal Maraykanku ugu xukuntay lacag 1milyan dolar ah, taas oo ay sheegtay inay noqonay magdhaw dadkii uu xasuuqa u geystay, isagoo aan dafirin denbiyadii iyo xasuuqii dadka shacabka ah.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ka tacsiyeeyay geerida jeneraal Maxamed Cali Samatar.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post