X
    Categories: Warar

Jawaabta Madaxweyne Siilaanyo Ka Bixiyay Koox Golihiisa Wasiiradda Iska Casilay

Hargaysa(AN)Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka hadlay dareenkiisa xubnaha golaha waiiradda ee iska casilay Xukuumaddiisa, isagoo sheegay in xilalka ay baneeyeen xubnahaasi la buuxinayo.

“Dawlada Madaxwaynaa Jiraa haddii ay is-casilaan oo ay saluugaan Xukuumaddii ay ka tirsanayeen cid kale uun baa geli boosaskooda ”ayuu yidhi.

Madaxwayne Siilaanyo oo wax laga weydiiyay arrimaha Xisbiga Kulmiye iyo taageeradiisa, ayaa sheegay in uu tageerayo halka aqlabiyadu marto,“Xisbigu nidaam ayuu leeyahay halka ay aqlabiyadu marto ayuun baan marayaa ,boosaskaa ay baneeyeena dad badan oo buuxinayaa way joogaan cidii ila shaqaynaysa ayuun baan diyaar u ahay” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Wariyaha BBC-da Axmed Siciid Cige oo qaaday warasiga, ayaa weydiiyay Madaxweyne Siilaanyo inuu isasoo sharaxi doono shirka Golaha Dhexe ee loo balan sanayahay 10 November 2015, wuxuuna ku jawaabay sidan:-“hala gaadho wakhtigeeda ka hordhici maayo ” ayuu yidhi Madaxweyne oo u muuqday qof hadda ku baraarugay dhacdooyinka siyaasadeed ee soo waajahay.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post