X
    Categories: Warar

Jarmalka Oo Tiradii Ugu Badnayd Qoxooti Magangelyo Doon Ah Ku Celiyay Dalkooda

Araweelo News Network

Kabul(ANN)Xukuumadda itaalka daran ee dalka colaaduhu aafeeyeen ee Afghanistan ayaa sheegay in boqol iyo shan iyo labaatan kun (125,000) oo qof ay ku soo noqdeen Kabul, kadib markii dowladda Jarmalka ay u diiday inay siiso sharci qaxooti.

Masuuliyiinta Afghanistan ayaa sheegay in dadkaasi ay iskood ugu soo noqdeen waddankooda. Horaantii bishan, sidoo kale Wasiirka arrimaha gidaha ee Jarmalka, Thomas de Maiziere ayaa sheegay in noqoshada dadka ay muhiim u tahay dib u dhiska waddanka.

Dowladda Jarmalka ayaa rajaynaysa dadka la celiyay inay tusaalo u noqoto dadka reer Afghanistan in aanay tegin Jarmalka oo aanay isku deyin inay dalbadaan qoxooti.

Boqolaal kun oo muhaajiriin u dhashay dalka Afghanistaanka ayaa ahaa qowmiyada labaad ee dadka ugu badan ee hal milyan oo qof oo Jarmalka magangalyo waydiistay 2015-kii.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post