Araweelo News Network

kabulqoxotiKabul(ANN)Xukuumadda itaalka daran ee dalka colaaduhu aafeeyeen ee Afghanistan ayaa sheegay in boqol iyo shan iyo labaatan kun (125,000) oo qof ay ku soo noqdeen Kabul, kadib markii dowladda Jarmalka ay u diiday inay siiso sharci qaxooti.

Masuuliyiinta Afghanistan ayaa sheegay in dadkaasi ay iskood ugu soo noqdeen waddankooda. Horaantii bishan, sidoo kale Wasiirka arrimaha gidaha ee Jarmalka, Thomas de Maiziere ayaa sheegay in noqoshada dadka ay muhiim u tahay dib u dhiska waddanka.

Dowladda Jarmalka ayaa rajaynaysa dadka la celiyay inay tusaalo u noqoto dadka reer Afghanistan in aanay tegin Jarmalka oo aanay isku deyin inay dalbadaan qoxooti.

Boqolaal kun oo muhaajiriin u dhashay dalka Afghanistaanka ayaa ahaa qowmiyada labaad ee dadka ugu badan ee hal milyan oo qof oo Jarmalka magangalyo waydiistay 2015-kii.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347