X

Jarmalka Oo Lugaha La Galay Dagaalka Ukraine Iyo Ciidamada Ruushka Oo Weerraray Azovsta

Araweelo News Network.

Mariupol (ANN)-Ciidamada Ruushka ayaa Salaadadii dib u bilaabay weerrarka warshadda birta ee Azovstal ee magalaadda istiraatiiga ah ee Muripol oo ay ciidamada Ruushku la wareegeen 18 April 2022.

, Hoggaamiyaha mucaaradka ee Jarmalka,Friedrich Merz Image Araweelo News Network, 3 April 2022..

Magaaladda ayaa gacanta u gashay gebi ahaan ciidamada ruushka, marka laga reebo warshadda birta halkaas oo loo malaynayo inay tahay saldhigii ugu dambeeyay ee ciidamada Ukraine ee ku sugan magaalada go’doonsan ee Mariupol.

,

Dhanka kale dagaalyahanada Ukraine ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay weerar cusub ku qaadeen warshadda birta Azovstal ee sacadadii lasoo dhaafay, kaddib markii dadka rayidka ah laga daadgureeyay goobta.

Magaalada go’doonsan ee Mariupol, waxa is faham koobban oo ruushku ku ogolaaday in dadka deegaanka qaarkood laga saaro. Balse xabad joojintii ayaa burburtay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in weli ku dhawaad 200 oo qof oo rayid ah ku go’doonsan yihiin meel dhulka hoostiisa ah oo ka mid ah dhula ay ku fadhido warshadda birta, iyadoo kumanaan kale aannay awooddin inay ka baxaan magaalada.

Maraykanka ayaa ka digaya in Ruushka uu doonayo in uu gabi ahaanba liqo oo isku kala bixiyo dhul ballaadhan oo ku yaalla bariga Ukraine.

Xukuumadda Moscow ayaa hore u muujisay inay rabto gobollada Donetsk iyo Luhansk inay noqdaan jamhuuriyad ka madax bannaan Ukraine, waxayna noqdeen labada gobol kuwa ay Moscow si gaar ah u siinay ahmiyad oo ay gelisay quwad milalteri oo ballaadhan.

Dhinaca kale, Hoggaamiyaha mucaaradka ee Jarmalka ayaa u safray Ukraine Salaasadii si uu ula kulmo Madaxweyne Volodymr Zelenskyy iyo siyaasiyiin kale oo sarsare oo Ukraine ah.

Friedrich Merz ayaa sidoo kale tagay Irpin oo ka baxsan caasimadda Kyiv, taas oo lagu macneeyay in ay ahayd si uu u helo sawirka burburka ay geysteen ciidamada Ruushka, wuxuuna isagoo warbaahinta la hadlay kulanka uu la yeeshay Zelenskyy sheegay in Jarmalku si weyn u taageerayo Ukraine, isla markaana qaadayo tallaabooyin cad cad oo taageero ah.

Hase yeeshee Hoggaamiyaha Jarmalka Chancellor Olaf Scholz ayaa waajahaya dhaleecayn sii kordheysa oo ka dhalatay markii uu diiday inuu booqdo Ukraine, balse booqashada hoggaamiyaha mucaaradka ee Jarmalku ku tegey Ukraine iyo taageerada uu balanqaaday oo ka duwan taageeradii hubka iyo saannada Millateri ee dhowaan Barlin ay u dirtay Ukraine, ayaa muujinaya in Jarmalku lugaha la gelayo dagaalka, taas oo xaaladda gobolka cirka ku shareeray, isla markaana baaxada dagaalka sii ballaadhinay.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post