X
    Categories: Warar

Jamaal Cali Xuseen Oo Ka Hadlay War Lagula Xidhiidhiyay In Loo Magcaabayo Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Federaalka Ee Soomaaliya

 

Boston, Massachusetts(ANN)- Jamaal Cali Xuseen oo ka mid ah Aqoonyahanka magaca ku leh  Bulshada Somaliland iyo geyiga Soomaalida oo hore ugu biiray masraxa Siyaasada Somaliland, ayaa wax laga xumaado oo been abuur aan sal iyo raad-toona lahayn oo dacaayad ah ku sifeeyay war laga baahiyay oo lagu sheegay in Madaxweynaha dawladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xil u magcaabayo.

Warka sidaa sheegaya ayuu ku sheegay in uu yahay mid ay faafiyeen shaqsiyaad danno Siyaasadeed leh, wuxuuna sidaa ku sheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay Bartiisa Facebook, wxuuna soo qaatay tusaalooyin cad-cad oo uu ku beeninayo warkaa.

 

 

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, wuxuu ku bilaabay qoraalkiisa oo uu ku lifaaqay warka laga baahiyay ee been-abuurka ah sidan: -“Beentii imika baayacmushteri bay gashay oo waxaaba la doonaa in lagu soo shaac baxo.  Waxaabey yidhaahdeen Madaxweyne Farmaajo ayaa Raysal Wasaare ama Raysal Wasaare ku Xigeen ama Wasiir A ugu balan qaaday Jamaal sidaad hoos ka aragtid qolada Oogo Media oo aanan weligay arkin. Horta hadduu warkoodu sugan yahay ama iyo ama iyo ama muu noqdeen.

Qoraalkan qoladda beenta ahi soo qortay hoos ka daalacda iyagoo laba ujeedo leh 1. Ku soo shaac baxa iyadoo cidi akhrisan weyday iyo 2. Iyo ujeeddo siyaasadeed oo aan garanayo cidda ka danbeysa.

Isku soo wada duuboo weligay Madaxweyne Farmaajo ismaannu arag oo xataa Telefoon kumaanu wada hadal, ismana naqaano. Qoraaladaydii ugu danbeeyey shirkii Jabuuti waatii la oggaa. Kolkaa haddii ay cidiba akhrisato Oogo Media been bay qoraan oo dad Illaahay ka baqanaya mahee waxba ha ka akhrisanina. Subxaanalah maxaa la waashay oo xishoodkii iyo xayihiiba laga tegay. Ayuu yidhi, Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo arrintan kaga jawaabay qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook.

 

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post