Hargeysa(ANN)- Murrashaxii hore jagada madaxweynenimo ee UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo hadda ka mid ah xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa ka hadlay dacwad xisbiga UCID u gudbiyey Komishanka Doorashooyinka Qaranka, taasoo ka dhan ah xildhibaanno Golaha Degaanka ah oo sheegay inay ku biireen KULMIYE.
Xisbiga UCID, ayaa qoraal uu u Gudbiyey Komishanka Doorashooyinka toddobaadkan ku sheegay inay doonayaan sidii murrashaxiintii sugayaasha ah ee xisbiga uga qaybgalay doorashadii golayaasha degaanka ee dalka ka qabsoontay sannadkii 2012 loogu beddeli lahaa Maayarrada magaalooyinka Berbera iyo Gabiley – Md. Cabdishakuur Maxamed Ciddin iyo Md. Maxamed-ammiin Cumar Cabdi iyo xildhibaanno kale oo dhammaantood ka mid ahaa mudanayaashii golayaasha degaanka uga soo baxay xisbiga UCID markii uu Jamaal Cali Xuseen hoggaaminayey, kuwaasoo shaaciyey inay ku qanceen ku biiritaanka xisbiga KULMIYE, iyaga oo caddeeyey inay cuddooda iyo caqligoodaba la garab-geli doonaan sidii uu xisbigaasi mustaqbalka mar kale talada dalka ugu soo noqon lahaa, isla markaana xaflad ballaadhan loogu qabtay Hargeysa 6 February 2017, waxaannu xisbiga UCID ku doodayaa in xildhibaannadaasi banneeyey boosaskoodii UCID, sidaa darteedna ay cid kale ku beddelayaan halkoodii.
Hasa yeeshee, aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo qoraal soo saaray, ayaa sheegay in dacwadda xisbiga UCID u gudbiyey Komishanka Doorashooyinku aanay sharci ahayn, isagoo xusay in xisbiga looga wada yaacay Eng. Faysal Cali-waraabe oo uu ku eedeeyeen inuu UCID u beddelay NGO uu ku shaqaysto.
“Waar bal Adduunkan idinku eega halka kii sharci-darada laftigiisu ahaa isagoo murrashaxnimo uu xaday oo khiyaamo si badheedh ah u qirtay, sidii uu isku caleemo saaray la ogaa ee iyo isagoo sharciga dalku uba ogoleyn inuu 3 jeer is sharaxo, haddana leh xildhibaano cod shacbi ku soo baxay ayaan beddeli karaa.
Xildhibaanadani wixii ay xisbiga iskaga sharaxeen oo u soo saareen waadigii qirtay inaad khiyaamaysay, markaa sharciga kuu ogolaanaya in aad adigu dadka waxaad doontid sameysid oo sharci-darro isku sharaxdid murrashax Waraabe-u-taaga oo laba jeer oo hore 15% ka hooseeyey (codadkii guud ee doorashada) Xildhibaanadii xisbiga lahaa ee soo saarayna inaad beddeli kartid, sharciga taasi ogolaada maaha sharci ee waa dulmi, mana dhacayso. Ha ku riyoon tani. Xildhibaanadii Baarlamaankuba waa kuwii WADDANI galay ee maxaa jira ee cid walba uga carartay UCID. Ninkaa hangoolka sita ee Waraabe-u-taaga ah ee xisbigii qaran ka dhigtay NGO yar oo aan doorasha iyo guul dan ka lahayn,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
“Xildhibaanadii Golaha Deegaanku halkii ay kuugu yimaadeen bay ku dhigeen, maadaama aad khiyaameeysay oo aad weliba qiratay in bakhtigu xalaal kuu ahaa. Runtii in aad jeel ku jirto ayey ahayd Faysalow ee maaha in adigoo aan cidi ku dooran oo boqol jeer dhacay aad indho adkaan la timaado. Xisbiga (UCID) dadkii soo saaray haddii ay kuu daayeen adigaaba nasiib leh ee meelahaagaas ka caytan, ileyn marnaba doorasho guul ka keeni mayside. Soomaalidu hore ayey u sheegtay oo ay tidhi; ‘Burus qayl biyaha ceel ma sido, mana baqool daayo,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.