Araweelo News Network

musharaxJamaalHargeysa (ANN)- Murrashaxii jagada Madaxweynaha ee xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay in aanay weli qaadan wax go’aan ah oo khuseeya halka ay geediga siyaasadeed u rari doonaan, kadib markii ay soo gabagabeen wadahadal xidhiidh ahaa oo ay la yeesheen xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI.
Qaar ka mid ah shabakadaha wararka, ayaa faafiyey in Jamaal Cali Xuseen go’aansaday inuu ku biiro xisbiga KULMIYE, balse murrashaxii UCID oo qoraal soo saaray xalay, ayaa sheegay in aannu jirin xisbi ay weli go’aansadeen inay ku biiraan.
“Waxaan ku wargelinayaa warbaahinta in aanay qaadan wararka aan salka iyo raadka toona lahayn ee ay websites-ka qaarkood qorayaan ee sheegaya inaanu go’aan qaadanay oo xisbi hebel lagu biiray. Fadlan taageerayaasha, asxaabta iyo shacabkaba waxaanu ku wargelinaynaa in wax go’aan ah oo la qaatay aanay jirin,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
Waxa kaloo uu caddeeyey inay toddobaadkan soo socda gaadhi doonaan go’aan kama dambays ah oo la xidhiidha xisbiga ay la midoobayaan.
“In Sha Allaah, toddobaadka soo socda ayaanu hawshaasi iska soo gabogabeyn doonaa. Dadkan beenta qaawan iska qorayana waxaanu leenahay fadlan ummadda runta u qora, waxyaabo badan oo kale oo mudnaan leh oo in laga hadlo ay tahay ayaa waddanka ka jiree. Ilaahay kheyr ha inooga dhigo dalkeena iyo dadkeena,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.