X
    Categories: Warar

Jaamacadda Qaahira oo Shahaado-sharaf Sare ku Maamuustay Boqorka Sucuudiga

Araweelo News Network

Qaahira(ANN) Jaamacadda (University of Cairo) ee dalka Masar, ayaa go’aansatay in ay shahaado-sharaf (honorary Doctorate) ku maamuusto boqorka Sucuudiga Boqor Salman, iyadoo u aqoonsatay inuu door cajiiba ku leeyahay isu-keenidda shucuubta Carabta, islaamka iyo muslimiintaba iyo waliba taageero uu siiyo dadka Masaarida.
Prof. Jabir Nissar oo ah Madaxweynaha Jaamacadda Qaahira, ayaa sheegay in Golaha jaamacadda ugu sarreeya kulmeen Khamiistii toddobaadkan, go’aanna ku qaateen in boqorka loo aqoonsado inuu gobolka Carabta ka yahay halyey, saamayn aad u fiicana ku leeyahay Carabta iyo caalamkaba. Waxa ay si gaar ah u xuseen in boqorku caawiyo jaamacadda oo uu ka taageeray in ay dhakhtar u khaasa sammaysato.
Muftiga Masar Dr. Shaqi Allam, ayaa booqashada Boqor Salman ee dalka Masar ku tilmaamay mid taariikhi ah, taasina muujinayso iskaashi iyo is-garabsasho dhexmara labada dal, kaasoo lagaga bixi karo carqaladaha haysta mandaqadda Carabta.
Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Dr. Nabil Elaraby, ayaa booqashada Boqorka Sucuudiga ku sifeeyey mid taariikhi ah oo Carabta faa’iido badan u leh, waxaannu yidhi; “Booqashada Boqorku waa mid muhiimad gaar ah oo laba geesood leh oo dhexmartay Boqor Salmaan iyo Madaxweyne El-sisi, taasoo lagaga baxayo dhibaatooyinka Carabta haysata, xoojinaysana xidhiidhka boqortooyada iyo Masar.”

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post