X
    Categories: Warar

Jaalliyadda Somaliland Ee Washington Oo Kulan Soo Dhowayn Iyo Xog Waraysi Ah Ku Qaabilaya Safiirka Cusub Ee Loo Magacaabay Dalka Maraykanka

Ambassador Bashir Good

 

Washington DC, Virginia,(ANN)-Jaalliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka Maraykanka gaar ahaan agagaarka Washington DC, Virginia, iyo Maryland waxa ay munaasibad cawaysin ah oo isugu jirta soo dhawayn iyo is xog waraysi ku qaabilayaan Danjiraha cusub ee Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi dhawaan u magacaabay dalkaas Maraykanka Danjire Bashiir Sheekh Cumar Good.

Jaalliyaddan Washington oo sida Jaalliyadaha kale ee Somaliland had iyo goor caan ku ah soo dhawaynta iyo maamuuska masuuliyiinta xukuumadda, goleyaasha qaranka, xisbiyada, ururada bulshada iyo qofkasta oo xil iyo hawl shaqo u haya Somaliland oo booqasho ku yimaada Washington DC, waxa ay kulankan oo ujeedadiisu tahay soo dhawaynta safiirka cusub iyo xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed, is fahanka fiican, iyo iskaashiga Jaalliyadda iyo Ergada Diblomaasiyadeed uu madaxda u yahay Danjire Good ee fadhigeedu yahay Washington, ku qaabilayaan safiirka habeenka Sabtida 13-ka bishan October.

Sidaas awgeed, Gudida Jaalliyaddu waxa ay ku wargelinaysaa, kana codsanaysaa bulshadda Jaalliyadda inay iska xilsaaraan soo dhawaynta Danjire Bashiir Sheekh Cumar Good oo ah anin aqoonyahan ah, dhaqanyaqaan ah, baadhe iyo suxufi weyn ah.

“Waxa aannu ka codsanaynaa Jaalliyadda inaan soo dhawaynno Wakiilka cusub, is baranno, oo aan ka wada sheekaysanno xaaladda iyo waajibaadka shaqo ee danaha wadankeenna iyo sidii aan wax ugu qaban lahayn dadkeenna iyo dalkeenna Jamhuuriyadda Somaliland kaasoo ah waajib qaran oo safiirka iyo jaalliyad ahaanba innoo wada yaalla. Gacmo wada jirbay wax ku gooyaan.”

Faahfaahin dheerada kala xidhiidh +15713397777, ama telefoonnada ku qoran sawirka qoraalkan la socda

Ka soo qaybgal wacan

Allaa Mahad Leh

Jamal Y. Daroor.
Washington DC
Oct 10, 2018

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post