X
    Categories: Warar

Israel Oo Ku Khasabtay Rashida Tlaib Inay Aqbasho Shuruudo Booqashadeeda Daanta Galbeed Ee Falastiin

Congresswoman Rashida Tlaib delivers a speech at the event that was held by Council on American-Islamic Relations (CAIR) in Washington DC, US on 10 January, 2019 [Safvan Allahverdi/Anadolu Agency

Tell Vive (ANN) –Xukuumadda Dalka Israel, ayaa ka laabatay qayb ka mid ah go’aan ay horre ugu diiday in inay booqdaan Journalism dhulka la haysto ee Daanta Galbeed iyo Qudus labada hablood ee ka tirsan Aqalka Congress-ka dalka Maraykanka.


Ogolaanshaha Srael, ayaa yimi markii Rashida Tlaib balanqaaday in ay fulinay shuriidaha oo ay ku jiraan in aany la socon Ilhan Omar oo labaduba ka tisran Xisbiga dimuqraadiga Maraykanka, Sida lagu sheeciyay shalay Wargeyska timesofisrael, Wasiirka Arimaha gudaha Israel, Aryeh Deri ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in kadib markii uu la tashaday Ra’isal Wasaarihihiisa Benjamin Netanyahu iyo Saraakiil sarsare oo ka tirsan Xukuumadda Israel uu go’aansaday inaan loo ogolaan labada Xildhibaan ee Muslimka ah ee Ilhaan Omar iyo Rashida Tlaib inay dhulkaasi soo galaan sababtoo ah, ayuu yidhi, “Talaabooyinka ka dhanka ah Israel”.


Hase yeeshee war maanta kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Israel, ayaa sheegtay inay Rashida Tlaib oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka loo ogolaaday inay booqato qoyskeeda degan Daanta Galbeed ee la haysto.
Sidaana waxa lagu sheegay warka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Israel, oo lagu yidhi, “ Israel waxay go’aansatay in la ogolaado booqashada Tlaib ee ayeydeed oo 90 jir ah, sababo bani’aadannimo dartood.”


Warka, ayaa lagu sheegay in Isreal ka noqotay Go’aankeeda qayb ka mid ah, taas oo noqonay in go’aanku yahay in Ilhan Cumar oo keliya loo diido inay booqato Dhulka Falastiiniyiinta ee Isreal haysato, gaar ahaan daanta Galbeed ee Magaalada Qudus, balse loo ogolaado haweenayda kale ee Rashida Tlaib oo u dhalatay Falastiin.


Go’aankii Israel ee horre ugu diiday labada Haweenka ah inay booqdaan Daanta Galbeed ee Magaalada Qudus, waxa lagu xidhay shuruud ah inay Rashida i Tlaib ay soo dirsato codsi ay ku booqaneyso qoyskeeda sababo bani’aadanimmo dartood, ay Israel ka fakari doono, haddii ay ballanqaado in aanay dhiiri-gelin in la qaadaco Israel.

Waxayna Rashida Tlaib oo ka jawaabaysa arrintaa khamiistii warqad u dirtay wasaaradda arrimaha gudaha Israel, iyadoo tidhi, “waxaan codsanayaa fasax aan ku booqdo ehelkeyga, gaar ahaan ayeydey oo 90 jir ah.” Waxayna intaa ku dartay in tani ay noqon karto fursaddii ugu dambeysay ee ay ku aragto ayeydeed.

“Waxaan xushmeyn doonaa shuruudaha booqashada, mana dhiiri-gelin doono qaadacaad ka dhan ah Israel, inta aan ku guda jiro booqashadeyda” ayey Tlaib ku tidhi warqadda oo ay baahiyeen warbaahinta Israel oo sabab u noqotay in la ogolaado booqashada shuruuda lagu xidhay iyo in aany la socon Ilhan Omar.

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo asal ahaan ka soo jeedda Soomaali, ayaa aad u cambaaraysay sida ay Dawladda Isreal ula dhaqanto Dadka reer Falastiin ee ay dhulkeeda xoogga ku haysato.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post