X

Israel: Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymaha Qudus, Jawaabta Maraykanka Iyo Dalalka Carabta

Araweelo News Network.

Qasa (ANN)-Diyaaradaha Dagaalka ee Israel, ayaa wada duqaynta ay ka wadaan Qasa, iyagoo ugaadhsanaya shacbiga reer Falastiin

 Duqeynta Israel ayaa dilay ugu yaraan 24 qof oo ka mid ah ka tirsnaa xarkaha Jihaad ee Qaza, sidoo kale waxa jira 6 caruur ah oo midkood tahay gabadh shan sano jir ah.sida ay xaqiijiyeen saraakiisha maamulka Falastiin ee nool dhulka Yuhuudu xoogga ku haysato.

 Dowladda Israel ayaa sheegtay inay bartilmaameedsatay waxay ugu yeedhay kooxda xagjirka ah ee jihad. Balse shacabka Falastiin oo aan hubaysnayn ayaa diyaaraddaha Yuhuudu si darandoori ah u garaacayaan.

Kooxda Jihaad, ayaa dhankeeda ku tuurtay 100 gantaal, wallow aan la sheegin khasaare ay geysteen, waxayna saraakiisha Jihaad sheegeen in ay sii wadayaan iska caabinta Israel. .

Dalalka Carabta iyo kuwa Islaamak ah ayaa ka aamusan xasuuqa ay Israel ka wado Qasa, iyadoo Maraykanku ku booriyay in ay Israel difaacdo shacabkeeda, taas oo dhiirigelinay in ay sii wado duqaynta ay ka wado halkaa, marka laga reebo xukuumadda Islaamiga ah ee Kacaanka Iran ay si weyn u canbaaraysay.

Iran waxay baaqyo u dirtay wasiirrada arrimaha dibadda ee wadamada muslimiinta ah, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutreres, Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Midowga Afrika, iyadoo ka cadhaysan weerarka Israel ee Qudus.

Qaar ka mid ah saraakiisha Falastiin ayaa hoggaamiyaha Jihad ee lala beegsaday duqaynta Jimcihii sheegay in ay caddawga Israel gacan ku siyeen sirdoonka dalka Masar oo suurtageliyay duqaynta lala beegsaday sarkaalkaa.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post