X
    Categories: Warar

Isbahaysiga Musharaxiinta Oo Shaaciyay Go,aankooda Iyo Hoggaanka Xisbiga KULMIYE Oo Ka Hadlay

Hargeysa(ANN)Isbahaysiga Musharaxiinta KULMIYE, ee hore cabashada uga muujiyay qaabka loo maamulay shirka golaha dhexe, ayaa shaaciyay go,aankooda ku waajahan shirkaa oo qabashadiisu ku beegantahay maalinta Salaasada fooda inagu soo haysa ee 10 Nov 2015.

Musharaxiinta kala ah Cabdicasiis Maxamed Samaale, Maxamed Biixi Yoonis iyo Axmed Cabdi Kijaandhe, waxay sidaa ku sheegeen mar ay maanta warbaahinta kula hadleen magaalada Hargeysa, iyagoo si wadajir ah u sheegay in aanay gebi ahaanba ka qaybgelayn shirkaa oo ay sabab uga dhigeen mid San waafaqsanayn xeerarka iyo nidaamka sharci ee Xisbiga.

Saddexda Musharax, waxay Madaxtooyadda Somaliland ku eedeeyeen inay nidaamkii iyo sharcigii Xisbiga u afduubtay cid gaar ah, isla markaana waxay ku doodeen in aanu shirka la qabanayaa ahayn shirkii golaha dhexe ee uu yahay kulan la doonayo in laga dhigo shirkii golaha dhexe,kaas oo ay sheegeen in loogu yeedhayo dad aan ku jirin golaha dhexe ee Xisbiga. Sidaa awgeed aanay marnaba ka qaybgelay oo ay iyagu haystaan aqlabiyada golaha dhexe.

Go,aanka saddexda musharaxiinta, ayaa kusoo beegmay maalin kadib markii guddi Madaxweyne Siilaanyo u saaray cabashadooda ay soo saareen warbixin ay ku sheegayaan in aanay jirin wax madmadaw ah oo la xidhiidha hawsha diiwaan gelinta shirka golaha dhexe.

Dhinaca kale Xoghayaha golaha dhexe ee KULMIYE, Jaamac Shabeel, ayaa sheegay maanta in aanu wax a iska bedelin mudada loo qabtay shirka golaha dhexe ee maalinta Salaasada 10 Nov 2015.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post