> Israel Oo Difaac Gashay, Doorka Dalalka Carabta Dublamaasiyada Ruushka Oo Dareenka Cabsida Ee Sii Kordhaysa

> Israel: Netanyahu oo sheegay in mar horeba dalkiisu ku hawlanaa. dagaal fool ka fool ah oo Iran iyo xulafadeeda.

Tehran (ANN)- Xukuumadda dalka Iran ayaa xidhay maamulka sare ee qaybo badan oo ka mid ah hawada sare gaar ahaan badhtamaha, galbeedka iyo waqooyi-galbeed ee dalka, iyadoo cabsida laga qabo jawaabta ay ka bixinay weetarkii lagu dilay Hoggaamiyihii Hamaas ismail haniya cabsideedu sii kordhayso, isla markaana saamaysay gobolka oo dhan iyo meelo ka baxsan.

Warbaahinta reer galbeedka iyo Israel iyo hay’addaha sirdoonka ee xullufada israel iyo Maraykanka ayaa ku mashquulsan sidii ay wax uga ogaan lahaayeen jawaabta ay Iran bixinay, xilliga ay bixinay iyo nooca ay noqonay, iyadoo Xukuumadda Tehran soo saartay digniin ku socota shirkadaha diyaaraddaha oo ku saabsan carqaladaynta GPS-ka ee la filayo aagga Tehran waxayna ugu baaqday diyaaraddaha isaga goosha galbeedka, koonfur-galbeed, koonfurta iyo gobollada dhexe ee dalka si ay u helaan waddo kale innay ka leexdaan aagga hawadda sare ee ku beegan dhammaan gobolka Bariga dhexe.

 

Iran ayaa sidoo kale xaqiijisay shir degdeg ah oo uu yeelanayo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) Arbacada maanta ah, halkaas oo ay isku dayi doonto in ay cadaadis ku saarto dowladaha Carabta in ay taageeraan xaqa ay u leeyihiin in ay qaadaan tallaabooyin aargoosi ah oo ka dhan ah Israel.

Hogaamiyaal badan oo Khaliijka ah ayaa doonaya inay cambaareeyaan ficilada Israel,  laakiin waxay sidoo kale ku baaqeen in Iran ay muujiso xakamayn. Kulanka ayaa ka dhici doona xarunta OIC ee magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga.

Hogaamiyayaasha Isrrael ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen weerar ay Iran hormuud ka tahay. Wasiirka gaashaandhigga, Yoav Gallant, ayaa sheegay isaga oo ka jawaabaya hanjabaadaha isa soo taraya ee Iran isniintii in millatariga Israel  uu diyaar u yahay in uu si degdeg ah u galo dembiga, isaga oo ku celcelinaya faallooyinka ra’iisal wasaaraha, Benjamin Netanyahu, oo Axaddii sheegay in waddanku mar horeba ku hawlanaa. dagaal fool ka fool ah oo Iran iyo xulafadeeda.

Iran ayaa sheegtay inay waajib ku tahay inay Israel ku ciqaabto dilka hoggaamiyihii Xamaas ee Tehran, laakiin Kulanka xasaraddaha leh ee wadamada Carabta todobaadkan ayaa laga yaabaa in lagu dejiyo ajandayaal aargoosi ah iyadoo waddamadu Iran ku boorinayaan inay is-xakamayso, wallow aanay u muuqan in Xukuumadda Tehran iyo xullufadeeda gobolku dhegaysanayaan.

Dhinaca kale, Iran ayaa u yeedhay danjirayaasha ajnabiga ah ee fadhigoodu yahay Tehran si ay uga digaan waajibaadka damiirka ah ee dalka si loogu ciqaabo Israel  waxay  u aragto “adventurism” iyo sharci-jebintii dilkii Ismail Haniyeh, hoggaamiyaha Xamaas, toddobaad ka hor oo lagu dilay caasimadda Iran.

Iran dadaal hore oo uu sameeyay madaxwaynihii geeriyooday ee Iran Ebrahim Raisi si uu u kasbado taageerada wadamada khaliijka, taas oo uu doonayay  si uu tallaabo millateri u qaado ama cunaqabatayn toos ah oo dhaqaale loo saaro Israel ayaa fashilmay. Raisi ayaa ku dhintay shil diyaaradeed bishii May 2024, waqooyiga buuralayda dalka, iyadoo ay shilka diyaaradeed ku dhinteen wasiirkii Arrimaha dibadda iyo masuuliyiin kale oo ku dhow tobbaneeyo.

Hase yeeshee, waxa jirta saadaal aan lagu go’aan qaadan karin oo sheegay in ay u badantahay ama ay  suurtogal tahay  in Iran ay sugto natiijada shirka OIC si ay u qaaddo aargoosiga qorshaysan, laakiin xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa tilmaamay inuu filayo in Iran ay qaado weeraro is-daba joog ah laga bilaabo Isniinta.

Madaxweyne Joe Biden ayaa lagu waday in uu Washington kula kulmo kooxdiisa amniga qaranka 2.15pm wakhtiga maxaliga ah Isniinta, 9:45pm magaalada Tehran, wakhtigaas oo ay u badantahay in ay caddaato in Iran ay qorshaynayso in ay weerar  habeenimo ku qaado Israel.

Gegida dayuuradaha ee Tehran ayaa la  baajiyay tiro duulimaadyo ah oo soo geli jiray iyo kuwii baxayay fiidnimadii Axadda, taas oo soo jeedinaysa in laga cabsi qabo in diyaaraddaha rayidka ay ku dhacaan dhaqdhaqaaqyo ciidan. sidii dhcaday Bishii Jan 2020, iyadoo xilligaa ay  is dhaafsi miliateri oo dhexmaray Maraykanka iyo Iran,

Arrintaa ayaa sababtay in Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC)  si qalad ah u toogtaan diyaarad rayid ah oo Ukrain ah oo ka timi Tehran kuna socotay Kyiv, halkaas oo ay ku dhinteen dhammaan 176 qof oo saarnaa diyaaradda.

Xoghayaha gollaha ammaanka ee Ruushka, Sergei Shoigu, kaas oo hore u ahaan jiray wasiirkii gaashaandhigga ee Ruushka ka hor intii aannu xilka ka qaadin Vladimir Putin, laakiin Sergei Shoigu oo asal ahaan lagu tilmaamo inuu kasoo jeedo Turkiga, ayaa  Isniintii gaadhay Tehran si uu wadahadal ula yeesho madaxda Iran, oo uu ku jiro madaxweynaha, Masoud Pezeshkian, inkasta oo Shoigu aannu xil u hayn xukuumadda Putin, laakiin wuxuu weli udub dhexaad u yahay iskaashiga difaaca ee Ruushka uu la leeyahay Iran. wallow aannay jirin sida warbaahinta reer galbeedku u faallaysay, iyagoo soo xiganaya falanqeeyayaasha in aannay jirin  calaamado muujinaya in Ruushku ku baaqayo xakamaynta Iran ee uu taas bedelkeeda ka wado gobolka.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com