X

#Iran Oo Ku Tilmaantay Guul #Burburinta Saladhig Ciidamada Cirka Ee #Israel

Click To Enlarge. A) Iranian anti-ship ballistic missiles (ASBMs) are multiplying and in Houthi service, with new versions. B) Iran has made cruise missiles low cost. C) Shahed drones and similar types can be used against moving ships. D) Merchant ships are, generally speaking, highly survivable to missile strikes. E) Air defense is highly important.

#Araweelo_News_Network.

Tehran (ANN)-Taliyaha guud ee ciidamada ilaalada Kacaanka Iran IRGC Hossein Salami ayaa ku faanay in lagu guuleestay in gantaalada riddada dheer laga soo rido markab dagaal markii ugu horeysay, kuwaas oo lagu burburiyay Saldhiga Ciidamada Cirka ee Israel leeyihiin.

 

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa bilaabay jilitaanka burburinta Saldhigga Cirka ee Israel ee Palmahim Isniintii, warbaahinta dowladda Iran ee Tasnim ayaa soo werisay.

IRGC waxay u dabaaldegtay “Maalinta Ilaalada,” sannad-guuradii Kacaanka Iran 45 sano ka hor, iyada oo lala beegsaday gantaalaha ballistic-ga iyo nooca la midka ah oo lagu burburiyay saldhigga Ciidanka Cirka ee Israa’iil.

Hawlgalka Iran ku jilaysay burburinta waxay u ekaysiisay goobta burburinta ciidamada cirka Israel ee saldhiga cirka ee Palmahim sidaa waxa Waxaa qoray JOANIE MARGULIES   La daabacay: FEBRUARY 14, 2024, iyadoo markaa kaddib warbixinta.

Saldhigga cirka ee PALMAHIM waxa kale oo uu hoy u yahay qaybta Difaaca Cirka ee IAF, taas oo mas’uul ka ah dalladda ilaalinta guud ee dalka oo ka hortagta khataraha gantaallada ee sii kordhaya.

Sidoo kale. Wargeyska Jerusalem Post ayaa wax ka qoray  Hawlgalka jilista ah oo qayb ka ahaa dabaaldega maalinta ilaalada, oo ay ku jiraan gantaalada laga soo tuuray maraakiibta quusta iyo Doomyaha dheereeya  ee bandhigga ciidamada Badda. Qaabka nuqulka ah ee saldhigga hawada waxaa laga dhisay saxaraha Iran, MEMRI ayaa werisay.

Gantaalada cusub, Emad iyo Qadar, ayaa lagu dhawaaqay ciidaha qaranka awgeed. Gantaalada cusub ayaa la sheegay in ay kordhiyeen saxnaanta iyo cabbirkooda, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Iran.

Warbaahinta Iran ayaa ku tilmaantay  in Saldhigga Cirka ee Palmahim loo doortay madaama  uu yahay meesha ugu muhiimsan ee diyaaradaha dagaalka F-35 ee nidaamka Sahyuuniyadda.” kasoo kacaan, sidaa awgeed Palmahim waa saldhig muhiim u ah dagaalka Israel ee Xamaas ee ka socda Qaza.

Bishii la soo dhaafay, Ra’iisal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ka sheegay saldhigga Palmahim in Israa’iil aannayn ka waaban doonin inay weerarto Iran, isagoo farriin cad u diray, isla markaana ku eeddeeyay  innay mas’uulka ka tahay maalgelinta dhammaan wakiillada bilaabaya weerarrada Israa’iil, iyo inay u soo diraan wakiillada dilalka Israa’iil iyo Yuhuudda adduunka oo dhan lala beegsado oo lagu ugaadhanayo.

Iran ayaa bilihii u danbeeyay hore u garaacday Saldhig at leedahay Israel iyo kuwo Maraykanku ku leeyahay Bariga dhexe.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post