#Araweelo_News_Network.

Tehran (ANN)- Dalka Iran waxa ka bilaabmay loollanka la doonayo in loogu tartamayo jagada Madaxweynaha ee bannaanaatay, kaddib markii uu shil diyaaradeed ku dhintay Madaxweynihii hore Ebrahim Raisi 19 May 2024, taas oo ku bur-burtay buuraleyda u dhow xuduudka Iran ay la wadaagto Azerbaijan, iyadoo Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi ay weheliyeen wafdi iyo saraakiil sare.

 

Telefishanka Qaranka Iran ayaa sheegay Axadii June 2, in dalka ay ka dhacayso doorashada Madaxweynaha 28 Jun, waxaana si weyn loo hadal hayaa siyaasiyiinta doonaya innay u tartamaan buuxinta jagada Madaxweynaha ee bannaanaatay.

Hoggamiyaha ugu sareeya ee awoodda badan dalka Iran Ali Khamenei, oo Iran xukumaya in ka baddan sodon sano, ayaa soo saaray go’aamadii u dambeeyay oo lagu kala xulanayo siyaasiyiinta u tartamaya jagada Madaxweynaha, waxaana waxyaabaha ahmiyada la siinayo ugu waaweyn arrimaha dhaqaalaha, waxbarashada, deegaanka, siyaasadda dibadda, qorshaynta qaranka, iyo ku dhawaad ​​wax kasta oo dalka Iran gaar u ah.

Madaxweynihii hore ee  dalka Iran Mahmoud Ahmadinejad ayaa ka mid ah shaqsiyaadka ugu caansan ee u tartami doona doorashada madaxtinimada ee soo socota.

Laixidhiidha: Iran Oo Waxba Kama Jiraan Ka Dhigtay Hindisaha Maraykanka Ee Xabbad Joojinta Dagaalka Qaza

Ahmadinejad, oo caan ku ah aragtidiisa reer galbeedka iyo Israel , ayaa isu diiwaangeliyay inuu yahay musharraxa suurtagalka ah ee doorashada la qaban doono 28-ka June.

Xidhiidhka u dhexeeya isaga iyo Hoggaamiyaha awoodda baddan  ayaa noqday mid cakiran maadaama uu jiray khilaaf ku saabsan booliiska gudaha ee Axmadinejad markii uu xukunka hayay, taas oo dhigtay Ahmadinejad in uu ahaa shakhsi muran baddan ka dhaliyay guddaha Iran iyo caalamkaba.

Waxaa lagu dhaleeceeyay cadaawadda uu u qabo dalal ay ka mid yihiin Israel, Sacuudi Carabiya, Boqortooyada Ingiriiska, iyo Maraykanka, waxaana xilligaa aad loogu dhaleeceeyay hadalkiisii ​​sida weyn uga cadhaysiiyay Yuhuuda ee ahaa in Holocaust aannay wax jira, balse ay tahay sheeko aan jirin oo ay ku andacoonaan Yuhuuddu oo ay alifteen.

Siyaasiga Ahmadinejad ayaa dhashay 8 October 1956, waxaana lagu tiriyaa siyaasiyiinta wadaniyiinta ah, wuxuuna hore u soo noqday madaxwaynihii lixaad ee Iran intii u dhaxaysay 2005 ilaa 2013, isagoo xilligaa caan ka noqday warbaahinta caalamka.

Si kastaba ha ahaatee, soo laabashadiisa ayaa ku soo beegantay xilli ay cirka isku sii shareerayso xiisadda u dhaxaysa Iran iyo reer galbeedka, taas oo ku aaddan barnaamijka Nukliyeerka ee Tehran ee sida xawliga ah ku socda, sidoo kale, dagaalka Israa’iil iyo Xamaas oo sii xoogaysanaya iyo hubaynta Ruushka ee dagaalka uu kula jiro Ukraine oo Iran lagu dhaleeceeyo innay gacan weyn ku leedahay.

Dhammaan arrimahaa iyo weliba Xuutiyiinra iyo kooxaha kale ee Xusbullaah Lubnaan, Ciraaq, Suuriya iyo Baxrayn oo  sii xoogaystay, kuwaas oo xilligan dagaalka Israel iyo Xamaas muujiyay awood cabsi gelisay Israel iyo xullufadda reer galbeedka ee Maraykanku hoggaamiyo.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com