X
    Categories: Warar

Inqilaab Millateri Oo Gilgilay Dalka Qadar

Amiir Sheekh Tamim Bin Hamad Al Thani iyo Hamad bin Jassim oo ahaa Ra'iisal wasaarihii hore iyo Wasiirka Arimaha Dibadda oo ah ninka lala xidhiidhiyay inqilaabka dalka Qadar. 4 May 2020.


Dooxa(ANN)-Dhawaaqyo rasaas iyo qaraxyo, ayaa laga maqlay gobolka Al-Wakra ee dalka Qadar, waxaana soo baxay warar si weyn ugu faafay Baraha Bulshada saacaddihii lasoo dhaafay oo sheegaya inuu jiro inqilaab la doonayo in xukunka lagaga tuuro Xukuumadda Dalka Qadar ee uu Hoggaamiyo Amiir Sheekh Tamim Bin Hamad Al Thani.

Muuqaalo Fiidiyow: ah oo lagu baahiyay boggaga Twitterka iyo Baraha kale ee Bulshada, isla markaana si weyn ugu faafay dunida Carabta iyo meelo kale, ayaa laga maqlayay “Qarax iyo rasaas culus”, iyadoo jiraan warar sheegaya isku day afgembi oo ka socda Qadar aan weli la oggaan natiijadiisa iyo inuu naajaxay.


Hoggaaminayayaha Inqilaabka Millateri , ayaa lagu sheegay Hamad bin Jassim oo ahaa Ra’iisal wasaarihii hore iyo Wasiirka Arimaha Dibadda, sida ay shebekadda Araweelo News Network kasoo Wargeyska Al-Marsad oo baahiyay dhacdadaa iyo muuqaalo boggaga internetka ee “Social Media”, lagu baahiyay, waxayna arrintani dhacday saaka xilli hore gobolka Al-Wakra ee dalka Qadar.


Sidoo kale, wargeyska laga leeyahay dalka Masar ee Al-Youm Al-Sabaa, ayaa arrintaa shaaciyay, “#Tangp_In_Qatar”, Trend, boggaga xididhiidhka bulshada, “Twitter”, iyadoo laga maqlayo muuqaalada Fiidyowga ah QofTwitter-ka ku isticmaala Magaca Khaled Al-Xariiri, kaas oo leh: “Oh Sayidow waad naga tagi doontaa Rabbow … Ma waxaa jira dhawaqa qarax? mise tababaro loo siiyo ciidamada Turkiga, Ilaahay ayaa iyaga dabooli doona, oo Ilaahay wax badan buu u sheegi doonaa”.

Waxa jiray wararka qaar sheegayay in toogashooyin dhimasho iyo dhaawac ay ka dhaceen halkaas oo ay si weyn u ilaaliyaan Ciidamadda Millateriga Turkiga ee ku sugan Qadar, iyadoo Xukuumadda Turkigu kordhisay tirada askartii hore uga joogtay Saldhigeeda dalka Qadar, bishii June 2017 maalmo yar kadib dagaal siyaasadeed iyo godoomin uu ku sameeyey Sucuudiga iyo xullufadiisa oo doonayay in dalkaa yar ee qaniga ah burburiyaan.

Mid kale oo ka mid ah dadka barta bulshada ee “Twitter,” ayaa muujiyay dareenkiisa inuu filayay inqilaabkan inuu dhici doono, isagoo sabab uga dhigay amarada Hoggaamiyaha dalka Amiir Sheekh Tamim Bin Hamad Al Thani, kadib markii sida uu sheegay amray in la baadho Shirkadda Hamad Bin Jassim oo ah shaqsiga lala xidhiidhiyay inqilaabka ee horrena xukuumadda uga tirsanaa, taas oo sabab looga dhigay kadib bur-burka Cusbitaal ku yaal Dooxa oo maalmo ka hor bur-buray sida uu sheegayo.

Dhinaca kale, Safiirka Qatar u fadhiya Ruushka, Fahd bin Mohammed Al-Attiyah, ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Ruushka ee Tass News Agency in fiidiyowyada lagu faafiyay baraha bulshada ee ay ka sheegeen isku daygii afgambiga “mid been abuur ah”.

“Fiidiyowyadan oo lagu shaaciyay qaar ka mid ah telefishanada iyo Telegram-ka , waa kuwo been abuur ah oo aan la xdhiidhin xaqiiqda.” ayuu yidhi, AmbassadorFahd bin Mohammed Al-Attiyah.


Sidoo kale ilo wareed ka tirsan Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Qatar, ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Ruushka ee (Russia’s Sputnik Agency), in wararka ka soo baxay warbaahinta iyo baraha bulshada ee ku saabsan sheegashada afgambiga ee Qadar ay tahay kaliya, “warar been abuur ah oo lagu buuxinayay warbaahinta buuxisa”

Waxaana markaa kadib la arkayay Bogga Tuwitter iyo baraha bulshada oo lasoo dhigayo Amiir Sheekh Tamim Bin Hamad Al Thani. oo wixii dhacay laga tacsiyaynayo.

Xukuumadda Dalka Qadar ee uu Hoggaamiyo Sheekh Tamim Bin Hamad Al Thani, ayaa horre ay isugu dhaceen Sacuudi Carabiya tan iyo markii ay xulufada Sucuudiga iyo Imaaraadka ee Khaliijkulaba sannado ka hor xayiraad saareen dalkaa.


Waxayna Xulufada Dalalka Sacuudi Carabiya , UAE, Baxreyn iyo Masar dagaal siyaasadeed iyo godoomin ku sameeyey dalka Qadar bishii June 2017, iyada oo lagu eedeeyay inay taageeto argagixisada, isla markaana xidhiidh la leedahay dalka Iran., Balse Doha ayaa si adag u beenisay eedeymaha, iyadoo sheegtay in weerarku uu ahaa mid lagu joojinayo isbeddelka iyo horumarka ay samaysay xukuumadda Qadar.

Al Thani xukuumaddiisa oo siyaasiyan u muuqatay mid ka dabaalatay dagaalka xulufada, isla markaana ciyaartay dublamaasiyad iyo inay xoojiso xidhiidhka ay la lahayd Turkiga iyo weliba dalka Iran ee ay xulufada sida weyn isu hayaan, waxay xilligaa ku eedaysay xullufada Sucuudiga inay doonayaan inay dalka Qadar ka sameeyaan fawdo oo ay ridaan dawladda halkaa ka jirta, waxyaabaha xilligan dhacay oo aan weli xog baddan laga hayn ayaan la ogayn inay qayb ka yihiin Masar, Sucuudiga, Imaaraadka iyo dalalka reer galbeedka qaarkood oo labada dhinacba midba weji tusayay sida Maraykanka iyo dalalka Yurub qaarkood.

Xaalada Inqilaabku sidan ayay ahayd

AKHRI: Shirka Dalalka Islaamka U Socday Oo Soo Saaray Go’aan Aanay Ku Farxin Sucuudiga Iyo Xulufadiisu

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post