X
    Categories: Warar

“Inagoo 27 sannadood Qaran Ahayn Maaha In Jabhado Samaysaymaan”wasiirka Gaashaandhiga Somaliland

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-wasiirka Gaashandhiga Somaliland Iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka ayaa maanta kulan balaadhan la qaatay Guddida Amniga iyo difaaca ee golaha wakiilada Somaliland.

Kulankaasi oo saacado qaatay ayaa si weyn loogaga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa, Isla markaana meel looga soo wada Jeesan lahaa wixii qaranka dhib ku ah iyo sidii loo so af-jari lahaa xaalka taliye Caarre.

Waxaana kulankaa saxaafada u faahfaahiyey gudoomiyaha Gudida C/laahi Xuseen Cige(Balaaki) iyo wasiirka Gaashaandhiga Eng Ciise Axmed Yuusuf(Xawar) iyagoo si isku mid ah uga wada hadlay in muhiimada shirku uu daaranaa xoojinta amniga Qaranka iyo ilaalinta xuduudaha dalka.

Gebo Gebadii waxa halkaasi ka hadlay wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Eng Ciise Axmed Yuusuf(Xawar) oo sheegay ka xukuumad ahaa in markasta ay si buuxda ula shaqaynayaan qaybaha kala duwan ee hayadaha Hay’addaha dawlada oo gudiga Amniga iyo difaaca Golaha wakiiladu ay qayb ka tahay waxaana hadaladisii ka mid ahaa(‘’waxaanu aniga iyo taliyaha ciidanka qaranku aanu kulan la qaadanay guddida  amniga iyo difaaca ee golaha wakiilada oo ah guddida khaas ahaan aanu isku hawsha nahay waxaananu ka wada hadlany marxalada uu dalku marayo iyo in inagoo mudo 27(todoba iyo labaatan) sanno qaran ahayn in maanta ay jabhado samaysmaan wax fiican maaha waananu dhamaynaynaa sida ugu dhakhsaha badan’’)Ayuu yidhi  wasiirka Gaashaandhiga Eng Ciise Axmed Yuusuf Xawar.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post