X
    Categories: Warar

Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalada 8aad dugsiyada dhexe iyo Dugsiyada sare oo ka bilaabmaya Somaliland Sabtida

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Md. Cabdilaahi Ibraahim Habbane (Cabdillaahi Dheere), ayaa farriintii u dambaysay u diray waalidiinta iyo ardayda u fadhiisanaysa imtixaanaadka Shahaadiga ah ee fasallada 4aad iyo 8aad ee dugsiyada sare iyo dhexe ee dalka oo si rasmi ah u bilaabmaya Sabtida berri, haddii Ilaahay yidhaah.
Wasiir Cabdillaahi Dheere waxa uu ku wargeliyey ardayda iyo waalidkoodaba arrimo keenaya in ardayga laga joojiyo inuu imtixaanka galo oo uu ugu horreeyo inay telefoonnada gacanta la tagaan goobaha imtixaanka lagu galayo.
“Maalinta Sabtida ah oo ay bishu tahay 01/07/2017 waxa oo loo fadhiisanayaa imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ee fasallada 8aad ee dugsiyada hoose/dhexe iyo fasallada 4aad ee dugsiyada sare, farriinta aannu farayno ardayda waxa weeye imtixaanku ma adka ee waxaannu doonaynaa inay ardaydu si degan uga shaqayso, waxyaabaha ka mamnuuca ahna aan lala iman, ardayda iyo waalidiintaba waxaannu u sheegaynaa ardaygu ha soo qaato dhawr qallin, lacagtiisa oo caddaan ah, waayo moobil (telefoonka gacanta) lalama soo gali karo dugsiga, haddii uu ardaygu la yimaado moobil wuu ka noqonayaa maalintaa oo maadadaas loo ogolaanmaayo inuu galo imtixaanka, haddii isaga oo fasalka fadhiya laga helo telefoon xiisaddaas waa laga saarayaa imtixaankeeda,”ayuu yidhi Wasiir Cabdillaahi Dheere oo u warramay telefishanka madaxbannaan ee Star shalay, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey, “Sidaas darteed waynu ka maarmi waynay in sidaa la yeelo innaga oo doonayna inaynu ilaalino xaqa qofka, xaq aannu lahayn aannu qaadan darteed arrintaas taxadir badan ayaa laga samaynayaa. Waxaana la doonayaa in ardaydu si degan u soo gasho goobaha imtixaanaadka si degana uga shaqayso, mana aha wax lagu cadaabayo ardayda ee waa wax lagu qiyaasayo fahamkiisa iyo in la ogaado sida uu uga jawaab bixinayo casharadii uu soo qaatay. Waxaannu u samaynay ardayda in tv-ga looga sii daayo maadooyinka adag oo macalimiintu u shaqayso, sannadkan waxa ardayda lagu imtixanaaya casharrada fasallada 8aad iyo fasallada 4aad, mana jiraan fasallo kale oo casharadooda lagu soo darayo imtixaanaadka.
Wasiirka Waxbarashadu waxa uu tilmaamay sababta tallaabooyinka loo qaadayo si looga hortago qishka imtixaanaadka, waxaannu yidhi, “Waxaanan doonaynaa in waxbarashadeenu ay noqoto mid dux leh oo tayo leh, waxaanay ku noqonaysaa in carruurteenu waxa loo sheegayo akhrido.”
Ugu dambayntii, waxa uu farriin u diray waalidiinta ardayda galaysa imtixaanaadka, waxaannu ku boorriyey inay ka ilaaliyaan wixii dhibaato u keenaya mustaqbalkooda, “Waalidiinta waxaannu ka doonaynaa inay la socdaan ardayga oo ay la soo dardaarmaan wixii ay u helayaan ee uu wax ku iibsanayo waqtiga nasashada ay soo siiyaan, qallimaanta u soo badiyaan wixii kale ee rabshad galinaya ay ka reebaan,” ayuu yidhi Wasiirka Waxbarashadu Md. Cabdillaahi Ibraahim Habbane.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post