X
    Categories: Warar

Imaaraadka Oo Shaaciyay In La Hakiyay Dagaalka Yemen

Araweelo News Network

Goobo uu yaalay raashin gargaar ah oo ay gubeen duqaymaha xulufada Sucuudigu Magaalada Hudayda

Dubai(ANN)-Xukuumadda dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay dagaalka ka socda Dalka Yemen ee ay hoggaaminayaan isbahysiga uu sacuudiga hogaamiyo oo ay qayb ka yihiin la joojiyay, iyadoo weerarada ka dhanka ah mucaaradka XutiyiintaXuutiyiinta ee ku sugan Magaalada Dekedda ah ee Hudayda oo mudooyinkii u danbeeyay ka socday dagaal u dhexeeya Xuutiyiinta iyo xulufada Sucuudiga.

Dekedda Hudaydah Photo AFP

Xukuumadda Imaaraadka ayaa qeyb ka ahayd isbaheysiga taageerayay dowlada macmalka ah ee Yemen, waxayna dagaal kula jireen Xuuutiyiinta oo inta dhinaca Woqooyiga Dalka Yemen gacanta ku haya, waxaana todobaadyadii u danbeeyay xulufada Sucuudigu weerar ku qaadeen Magaalada Dekedda ah ee Hudayda oo ah Dekeddaha ugu muhiimsan Badda Cas.

 

Wasiirka  Arrimaha dibedda ee Imaaraadka Anwar Gargash ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in xabad joojin laga sameeyay dagaalka Yemen, isagoo xusay in ujeedada laga leeyahay xabad joojinta ay tahay  in ay meel maraan dadaallada wadahadallada nabadeed ee ay waddo Qarama Midoobay.

 

Anwar Gargash ayaa  sidoo sheegay in uu soo dhaweynayo dadaalada lagu doonayo in xoogagga Xutiyiinta laga saaro magaalada Hudayda, balse Xuutiyiinta  ayaa  aqbalin in ay ka baxaa n Magaalada Hudayda.

 

Ergeyga gaarka ah ee qaramada midobay u qaabilsan Yemen Martin Griffiths ayaa kulamo la yeelanayay dhinacyada isku haya dalka si loo joojiyo dagaalka khasaaraha badan dhaliyay dhimashada boqolaal kun oo qof, Isla markaana sababay malaayiin qof oo ka qaxay dalka, iyadoo dagaalka Yemen sababay cuduro iyo macaluul baahsan kadib markii dadka rayidka ah la gaadhsiin waayay gargaarka caalamiga ah, waxaana xusud midan in Dekadda magaalada Xudeydah oo ah goob laga soo dajiyo gargaarka bina’aadanimo ee la gaadhsiiyo dadka reer Yemen ee tabaalaysan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post