Araweelo News Network
Dubai(ANN)-Xukuumadda dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay dagaalka ka socda Dalka Yemen ee ay hoggaaminayaan isbahysiga uu sacuudiga hogaamiyo oo ay qayb ka yihiin la joojiyay, iyadoo weerarada ka dhanka ah mucaaradka XutiyiintaXuutiyiinta ee ku sugan Magaalada Dekedda ah ee Hudayda oo mudooyinkii u danbeeyay ka socday dagaal u dhexeeya Xuutiyiinta iyo xulufada Sucuudiga.
Xukuumadda Imaaraadka ayaa qeyb ka ahayd isbaheysiga taageerayay dowlada macmalka ah ee Yemen, waxayna dagaal kula jireen Xuuutiyiinta oo inta dhinaca Woqooyiga Dalka Yemen gacanta ku haya, waxaana todobaadyadii u danbeeyay xulufada Sucuudigu weerar ku qaadeen Magaalada Dekedda ah ee Hudayda oo ah Dekeddaha ugu muhiimsan Badda Cas.
Wasiirka Arrimaha dibedda ee Imaaraadka Anwar Gargash ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in xabad joojin laga sameeyay dagaalka Yemen, isagoo xusay in ujeedada laga leeyahay xabad joojinta ay tahay in ay meel maraan dadaallada wadahadallada nabadeed ee ay waddo Qarama Midoobay.
Anwar Gargash ayaa sidoo sheegay in uu soo dhaweynayo dadaalada lagu doonayo in xoogagga Xutiyiinta laga saaro magaalada Hudayda, balse Xuutiyiinta ayaa aqbalin in ay ka baxaa n Magaalada Hudayda.
Ergeyga gaarka ah ee qaramada midobay u qaabilsan Yemen Martin Griffiths ayaa kulamo la yeelanayay dhinacyada isku haya dalka si loo joojiyo dagaalka khasaaraha badan dhaliyay dhimashada boqolaal kun oo qof, Isla markaana sababay malaayiin qof oo ka qaxay dalka, iyadoo dagaalka Yemen sababay cuduro iyo macaluul baahsan kadib markii dadka rayidka ah la gaadhsiin waayay gargaarka caalamiga ah, waxaana xusud midan in Dekadda magaalada Xudeydah oo ah goob laga soo dajiyo gargaarka bina’aadanimo ee la gaadhsiiyo dadka reer Yemen ee tabaalaysan.