X
    Categories: Warar

Imaaraadka Carabta oo Samaynaya Wasaaradda Farxadda

Araweelo News Network

Dubai(ANN)Raysal-wasaaraha Isu-taga Imaraadka Carabta (UAE), ayaa ku dhawaaqay in dawladiisu si gaar ah u samaynayso Wasaarad ka shaqaysa, isla markaana ka hawlgasha ilaalinta farxadda muwaadiniintooda.

Sheekh Maxamed bin Rashid Al Maktoum oo sidoo kalena ah Maamulaha Dubay, ayaa faalladan ku qoray bogga uu Twitter ku leeyahay, kadib markii uu ka qaybgalay Shir Caalami ah oo Imaaraadku martigeliyey (World Government Summit). Waxa kaloo uu ku dhawaaqay in Wasaaradaha Dawladiisu u baahan yihiin in la ballaadhiyo, loona baahan yahay hay’addo ka shaqeeya bulshada Gacanka Carabta is dhex galkooda, maadaama ay ku nool yihiin dad aad ugu kala gedisan xagga qabiillada iyo caqiidooyinka. “Waa bilawgii safar cusub oo horumarineed oo aadka lagu siinayo, Allana aan ku waydiisanayno inuu naga caawiyo daryeelka dadka,” ayuu yidhi Raysal-wasaaruhu. Farriintan uu twitter ku qoray ee uu ku sheegay inuu samaynayo Wasaarad farxadda dadka Imaaraadka Carabta ka shaqaysa kuma uu xusin wax waqti cayiman ah, balse waxa uu xusay in nidaamka cusub ee uu federaalka dawladiisa u dejinayo ay ka timi markii uu la tashaday boqorada iyo masuuliyiinta dalkaas.

Sidoo kale, toddobaadkii hore waxa uu Raysal-wasaaruhu bogga twitter ku qoray in da’ yarta 25 hoos uga yar lagu darayo Wasaaradaha Imaaraadka Carabta si ay ugu hadlaan codka dhallinyarada.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office Email info@araweelonews.com Jaamac132@gmail.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post