X
    Categories: Warar

Imaamka Masjidka Al-Aqsa Oo Yuhuudu Xidhay Kana Mamnuucday inuu Galo Masjidka

Imaamka Masjidka Al-Aqsa, Sheikh Ekrema SabriTwitter]


Jerusalem (ANN)-Mas’uuliyiinta Israel ee xoogga ku haysta dhulka reer Falastiin ee Deegaanka uu ku yaal Masjidka Barakaysan ee Al -Aqsa, ayaa todobaadkan kusoo rogtay amar xadhig iyo masaafuris ah Imaamka Masjidka Al-Aqsa, Sheikh Ekrema Sabri, iyagoo ka mamnuucay inuu soo galo gudaha Masjidka Al-Aqsa hal toddobaad, sidaana waxa baahisay warbaahinta laga leeyahay Falastiin Axadi toddobaadkan.


Imaamka oo la hadlay weriyayaasha, ayaa sheegay in Booliska Xukuumadda Yuhuuda ee Israel ay xidheen, isla markaana ay ku wadaan baadhitaan, isagoo ku sugan Saldhiga Booliska ee Al-Qashleh ee kuyaala badhtamaha magaalada Jerusalem ee ay maamulka Yuhuudu xoogga ku haystaan, halkaas oo ay ku wadaan baadhitaan, la xidhiidha Khudbadii Jimcaha ee uu Sh. Sheikh Ekrema Sabri, oo ay ku tilmaameen inay ahayd kicin rabshado.


“Booliiska Israa’iil waxay i siiyeen amar masaafuris ah oo hal toddobaad ah, waxayna ugu khasbeen inaan joogo Saldhigga Booliiska si loo baadho eedaha ay sheegeen inay igu haystaan ilaa Sabtida soo socota.” ayuu yidhi, Imaam Sabri oo warbaahinta maxaliga ah la hadlayay.


 Toddobaadkan Aroornimadii hore ee Axadda, ciidamada Israa’iil ee qabsaday Jerusalem, waxay weerareen guriga Imaam Sabri waxayna ku war-geliyeen amar ah inuu tago saldhiga Booliiska si baadhitaan loogu sameeyo.


Dhanka kale, Xarunta Macluumaadka ee lagu magcaabo Wadi El-Helwa, ayaa soo werisay in mas’uuliyiinta guumeysiga Israa’iil ay sidoo kale soo saareen amar toddobaad musaafuris ah oo ku waajahan Sheikh Ahmad Abu Ghazaleh, oo ka mid ah Imaamyada Masjidka Al-Aqsa.

Mas’uuliyiinta gumeysiga Israail ee xoogga ku haysta dhulka Falastiin iyo goobaha barakaysan ee Islaamka, ayaa soo saaray amarro masaafuris iyo xadhig ah oo ku waajahan imaamyada iyo Culimada wacdiga ka jeedisa Masjidka Al-Aqsa, iyagoo ku andacoonaya in ay kordhiyeen rabshado lagu diidanyahay qabsashada xoogaga Israail intii ay khudbadahooda jeedinayeen, gaar ahaan khudbadaha jimcaha.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post