X
    Categories: Warar

Ilhaan Cumar: Xildhibaanaddii U Horaysay Ee Soomaali Maraykan Ah Oo Loo Hanjabay

Araweelo News Network

Ilhan Omar gives an acceptance speech on election night in Minneapolis, Minnesota, November 8, 2016. Omar, a former refugee from Somalia, is the first Somali-American Muslim woman to hold public office. PHOTO | STEPHEN MATUREN | AFP


Minnesota(ANN)-Gabadhii u horaysay ee Soomaali ah ee xildhibaanad ka noqota dalka Maraykanka ayaa sheegtay in lagula kacay hanjabaad iyo fal nacayb ah oo Islaamnimada ka dhan ah.

Arrintaas ayayna kala kulantay qof tagsiile ka ah Washington DC.

Ilhaan Cumar oo ah Xildhibaanadan laga soo doorto Minnesota ayaa sheegtay in taksiiluhu uu ugu goodiyay in uu xijaabka ka saari doono Arbacadii.

Xildhibaanaddu waxay sheegtay in tagsiiluhu uu ugu yeedhay in ay tahay kooxda isugu yeedha Dawladda Islaamka, uuna ka siibi doono dharka asturan ee ay xidhantahay.

Booliiska Washington ayaa BBC-da u sheegay in illaa iyo hadda aanay soo gaadhin wax dacwad ah oo arrintaas laga soo gudbiyay.

Gabadhan oo 34 jir ah ayaa sheegtay in dhacdadaasi ay qabsatay markii ay soo dhamaysay tababar ay ku soo qaadatay Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka.

lhaan oo xisbiga dimuqraadiga ka tirsan ayaa Maraykanka tagtay iyada oo yar, iyada oo ka tagtay xero qaxooti oo dalka Kenya ku taalla.

Ilhaan ayaa Taariikh ka samaysay dedaalkeeda, saxaafadda caalamkuna ay aad u soo hadal qaaday ka dib markii ay ka guulaysatay in ay Minnesota ku matasho aqalka wakiilada, taas oo sababtay inay soo jiidato rayalcaamka dunida.

Doorashadeeda ay ku guulaystay, ayaa kusoo beegantay maalmo uun ka dib markii madaxwaynaha la doortay ee dalka Maraykan Donald Trump uu soomaalida Donald Trump ku eedeeyay in ay faafinayaan afkaartooda xagjirka ah.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post