X
    Categories: Warar

Ilaalada Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Axmed Karaash Oo Lagu Rasaaseeyay Badhtamaha Garoowe

Garoowe(ANN)-Ciidanka Ilaalada khaaska ah ee Madaxweyne ku xigeenka Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, Axmed Karaash, ayaa lagu weerraray tacshiirado rasaas ah, kuwaas oo ay iksu dhaceen Ciidanka loo xilsaaray bandawda lagu soo rogay Magaalada.

Wararka qaar, ayaa sheegaya in ugu yaraan hal askari uu ku dhintay goobta, isla markaana tiro kale dhaawacyo kasoo gaadheen.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dhacdadaa, waxayna sheegeen badhtamaha magaalada Garowe ay isku rasaaseeyeen labada ciidan oo mid ahaa Ilaalada Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash iyo ciidanka loo xilsaaray bandawda magaalada.

Taliyaha Booliska ee magaalada Garoowe, ayaa sidoo kale dhankiisa warbaahinta u xaqiijiyay isku dhaca labada ciidan, wuxuuna qiray inuu jiro khasaare ka dhashay markii ay tacshiirado rasaas ah is dhaafsadeen ciidamada loo xilsaaray Banadowda magaalada saaran iyo ilaalada Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash.

Askariga dhintay, ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa Ilaalada Madaxweyne ku xigeenka, iyadoo ay jiraan dhaawacyo soo gaadhay askar kale oo aan tiradooda la xaqiijin.

Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa bandaw kusoo rogay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaa iyo magaalooyinka kale, taas oo looga jeedo sidii loo xakayn lahaa caabuqa COVID-19, kaas oo gobolada kale ee Soomaaliya lagu arkay kiisas gaadhay 237, sida ay sheegtay dawladda Federaalka ee Soomaaliya, iyadoo ay dhinteen inta la ogyahay siddeed qof.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post