X
    Categories: Warar

Iiraan Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Qaabka Dalka Hungary Ula Dhaqmay Arday U Dhalatay

Iran's Foreign Ministry spokesman Abbas Mousavi photo Presstv

Tehran(ANN)-Af-hayenka Wasaaradda Arimaha Dibada ee Iran, Abbas Mousavi , ayaa dhaleeceeyay go’aanka ay Dawladda Hungary ku eriday, 17 Aarday oo reer Iiraan ah, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay jebiyeen Baratakoolka, wuxuuna ku tilaamay arrintaa mid aan xaqiiq ahayn,  isagoo sheegay in kuwa bartilmaameedsaday ay dhab ahaantii ahaayeen kuwo ku jiray sidii ay isaga caabin lahaayeen xaalado caafimaad oo halis ah oo lasoo dersay Cusbitaalka Budapest ee caasimada dalkaa.

Abbas Mousavi , wuxuu sidaa ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siinayay Khamiistii 9 April, 2020,  wakaaladda wararka ee Ardayda Iiraan (Iranian Students News Agency, ), ee loo soo gaabiyo (ISNA), wuxuuna  ku  tilmaamay go’aanka “mid aad looga qoomameynayo”, isagoo ku macneeyay eedaynta loo adeegsaday Ardayda inay marmarsiiyo u tahay, balse aannay ahayn mid cudur-daar noqonkarta.

Saraakiisha dalka Kungary, ayaa sheegay in Ardayda ay jabisay Baratakoolka iyo sharciga la dhigay si looga hortago faafitaanka coronavirus-ka cusub.oo ku faafay dalkaa.

Waxa mas’uuliyiinta Hungary ay u tixraacaan inay xadgudub ku yihiin hab-dhaqannada nadaafadda ayaa ah ardayda oo ka mudaaharaadaya xaaladaha qufulan ee aan habooneyn ee ka jira Cusbitaalka, halkaas oo cudurka lagu takooray iyaga iyo dad caafimaad qaba, “ayuu yidhi Mousavi.

Maamulka Hangari, ayaa dhankoda farta ku fiiqay ardayda Iran, iyaga oo eryay seddex ka mid ah ka hor inta aannay qaadin talaabo ka dhan ah 14 kale, iyada oo aan fiiro gaar ah iyo wax digniino ah la siin, xataa xaaladooda caafimaad, atdhab ahaantii, waxa lagu xadgudbay Cusbataalka Budapest, sida uu sheegay Sarkaalka u hadlay Iran.

Ardayda qaarkood, ayaa la geeyay xero qoxooti markii hore, halkaas oo ay kala kulmeen xaaladdo xun sida uu sheegay Afhayeenka .

Mousavi wuxuu sheegay in Wasaaradda Arimaha Dibada Iiraan ay ku casuuntay safiirka reer Hangari ee Tehraan si ay wadahadalo ula yeelato mas’uuliyiinta Iran dhowr jeer, si rasmi ahna loogu yeedhay ugu yaraan saddex jeer tallaabadaas awgeed.

“Wasaaradda arrimaha dibedda ee Iran waxay si deg deg ah uga codsanaysaa in mas’uuliyiinta Hungari ay dib u eegaan amarka ay soo saareen Ardaydaa,  isla markaana ay u suurtogeliyaan ardayda inay dib u bilaabaan waxbarashadooda,” ayuu ku soo gabagabeeyey.

Sida laga soo xigtay mareegta wararka ee Hungary Today, 15 ka mid ah ardayda ayaa lagu hayey Cusbitaal caasimada dalkaa ee Budapest ee St László ka hor inta aan la eryin.

Dhinaca kale, Ra’iisal Wasaaraha Hungary Viktor Orban ayaa ku eedeeyay dadka ajaanibka ee ku sugan dalkiisa inay sabab u yihin faafitaanka cudurka COVID-19, ee ku faafay dalkiisa.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post