X
    Categories: Warar

IGAD Oo Xaqiijisay inay Al-shabaab Saldhigyo Ka Samaysteen Gudaha Dalka Kenya

Araweelo News Network

Nairobi(ANN)Urur-goboleedka IGAD, ayaa caddeeyey in xoogagga Al-shabaab saldhigyo ka samaysteen gudaha dalka Kenya, isla markaana qorshaynayaan weerarro khasaare culus dhaliya oo ay ka fuliyaan guud ahaan waddamada Geeska Afrika.
Warbixin ka kooban 53 bog oo lagu daabacay mareegta internetka ee IGAD shalay, ayaa lagu xusay in kooxda Al-shabaab samaysatay jabhado dhowr ah oo siyaabo kala duwan uga hawlgala wadammada dariska la ah Soomaaliya ee Kenya, Uganda, Tanzania iyo Ethiopia.
Qoraalka Urur-goboleedka IGAD waxa lagu sheegtay in garabka Al-shabaab u qaabilsan weerarrada Kenya oo lagu magacaabo Jayshul Ayman ku guulaysteen inay dalkaas gudahiisa ka samaystaan xeryo ay ku kulmaan, kana qorsheeyaan weerarradooda.
Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu qeexay in dagaalyahannada Al-shabaab sii kordhiyeen weerarrada ay la beegsadaan xarumaha dawladda Soomaaliya iyo kuwa ciidammada AMISOM dhowrkii bilood ee u dambeeyey.
Bayaanka IGAD waxa uu intaa raaciyey, in dilka hoggaamiyahihii Al-shabaab, Axmed Godane oo lagu khaarajiyey duqayn Maraykanku ka fuliyey Gobolka Shabeellaha Hoose ee dalka Soomaaliya bishii September 1, 2014 aanay waxba ka beddelin khataraha kooxdaasi ku hayaan ammaanka dalalka Geeska Afrika.
Sidaa darteed, IGAD ayaa ugu baaqay dalalka xubnaha ka ah ururka inay si wadajir ah uga hortagaan khatarta Al-shabaab, isla markaana wadaagaan xogaha sirdoonka, sidoo kalena sameeyaan guddi qiimeyn ku sameeya hawlgallada iyo weerarrada kooxdaas.
Waxa kaloo ururka IGAD xusay in loo baahan yahay in Al-shabaab lagala dagaallamo gudaha iyo dibadda waddanka Soomaaliya, si looga hortago weerarro kale oo kooxdaasi ka fuliyaan waddamada ee Geeska Afrika.
“Al-shabaab waxay leedahay laba garab oo kala ah Jayshul Ayman oo u xilsaaran weerarrada dalalka Kenya, Uganda iyo Tanzania iyo Jaysul Nusra oo qaabilsan waddanka Ethiopia,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka IGAD.
Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa hore weerarro iyo qaraxyo uga fuliyey dalalka Kenya iyo Uganda oo ka mid ah waddamada ciidammada ku leh Hawlgalka Midowga Afrika (AMISOM) ee Soomaaliya jooga.
Warbixinta IGAD ee lagaga hadlay khatarta iyo cabsida sii kordhaysa ee kooxda Al-shabaab ayaa ku soo beegantay xilli la iclaamiyey in shir-madaxeedka urur-goboleedkaas lagu qabto magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya bisha September ee soo socota.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post