X

Human RightsWatch Kenneth Roth Oo Shaqada Ka Tegeya

Kenneth Roth Agaasimaha Human Rights Watch, Image File Araweelo News Network 28 April 2022.

Araweelo News Network.

#KennethRoth halkee kasoo dhaqaajiyay #HRW

New York(ANN)-Hay’adda Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamaha (Human Rights Watch), ayaa ka hadashay Agaasimaha fulinta ee Hay’addaa oo muddo dheer soo hoggaaminayay inuu shaqada ka tegeyo marka la gaadho August.

 Kenneth Roth, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu qorsheynayo inuu xilka ka tago dhamaadka marka la gaadho dhammaadka August 2022, Human Rights Watch ayaa sidaas sheegtay Jimcihii.

 Roth wuxuu hoggaaminayay ururka tan iyo 1993, isaga oo ka beddelay koox yar oo guddiyada daawashada ee gobolka ahaa, wuxuuna u beddelay urur heer caalami ah oo xuquuqda aadamaha ah, kaas oo saamayn caalami ah ku leh dunida maanta.

“Waxaan u lahaa mudnaanta weyn inaan ku dhawaad 30 sano ku qarash gareeyo dhismaha urur noqday xoogag hormuud u ah difaaca xuquuqda dadka aduunka,” sidaa waxa yidhi, Roth oo waqti dheer hogggaaminayay Human Rights Watch oo dunida si weyn looga tixgeliyo xilligan.

Kenneth Roth, wuxuu sheegay in aannu u baqayn inuu dib ugu laabto Ururku halkii uu kasoo dhqaajiyay, “Waxaan uga tagay Human Rights Watch annigoo kalsooni ku qaba in shaqaale karti sare leh oo u heellan inay difaacaas ku sii wataan tamar weyn, hal-abuur, iyo waxtar ay joogaan.”ayuu yidhi, Mr. Roth.

Markii uu hoggaaminta la wareegay Roth, Human Rights Watch waxay ka kortay shaqaale gaadhaya 60 oo leh miisaanida $7 milyan ah, isla markaana ilaa uu soo gaadhsiiyay 552 oo shaqaale ah.

Human Rights Watch, waxay xilligan ka hawlgashaa in ka badan 100 waddan, iyadoo ku dhawaad miisaaniyada Ururku xilligan  gaadhay $ 100 milyan.

Kenneth Roth, muddadii uu hoggaaminayay, waxa si weyn loo xusuustaa in 1997, Human Rights Watch ay la wadaagtay Abaalmarinta Nabadda ee Nobel dadaalka ay ku mamnuucday miinooyinka dadka.

Sidoo kale, waxay door muhiim ah ka ciyaartay isbahaysigii lagu dhisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada iyo mamnuucidda adeegsiga rasaasta kooxaha iyo askarta carruurta.

Warbixinta shaqaalaha iyo u doodista ayaa sidoo kale ay gacan ka geysatay xukunkii Laybeeriya ee Charles Taylor, Peru’s Alberto Fujimori, iyo hoggaamiyayaashii Serbiyiinta Bosnia Radovan Karadzic iyo Ratko Mladic.

Maanta Human Rights Watch waxay si qoto dheer ugu hawlan tahay diiwaan gelinta iyo ka shaqaynta yaraynta xadgudubyada halista ah ee Ukraine, Myanmar, Afghanistan, Ethiopia, Syria, iyo Yemen, oo ka mid ah 100ka waddan ee ay sida joogtada ah uga shaqayso.

Roth waxa uu bilaabay shaqadiisa xuquuqda aadamaha si mutadawacnimo ah, isaga oo shaqaynayey habeenada iyo Sabtida iyo Axada, wuxuuna xilligaa ku shaqaynayay qareen iyo xeer ilaaliye federaal ah.

Waxa uu ku biiray Human Rights Watch 1987,  isaga oo ahaa xilligaa Agaasime ku xigeenka. Laakiin ururku wuxuu ka koobnaa Helsinki Watch, oo la aasaasay 1978,  si ay u taageerto dhaqdhaqaaqyada mucaaradka ee Bariga Yurub; Ameerikan Watch, oo la aasaasay 1981; iyo Asia Watch, oo la sameeyay 1985.

Hase yeeshe wax yar kaddib markii Roth ku biiray, ururka wuxuu yagleelay Middle East Watch iyo Africa Watch, wixii markaa ka danbeeyay Roth, wuxuu muddo yar kaddib markii uu xilka hayay ku guulaystay inuu ururka u raro hal hayb oo ah Human Rights Watch, taas oo ka dhigtay HRW, Urur Caalami ah oo si weyn dunida loo bartay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post