X
    Categories: Warar

Horizon Institute Waxa ay ku Baaqaysaa Baadhis Madax-Bannaan oo ku Saabsan Kiiska Kufsiga Xarrunta Agoomaha Hargeysa

Horizon Institute Waxa ay ku Baaqaysaa Baadhis Madax-Bannaan oo ku Saabsan Kiiska Kufsiga Xarrunta Agoomaha Hargeysa.

Marka Aan La Isla Xisaabtamayn Ubadkaa Ku Silca
Hargeysa, Somaliland

25 June 2020

Sida uu u soo shaac-baxay kufsiga la aaminsan yahay in loo gaystay gabadha yar ee Xarrunta Agoomaha Hargeysa ku jirta, taas oo kufsiga kadib xaamilo noqotay. Arintani waa mid soo jiidatay indhaha dadweynaha. Hay’adda Horizon Institute oo si aad ah uga hawlgashay kiiskani waxa ay soo dhawaynaysaa doodda dadweynaha ee ka dhalatay warbixintii Telefishanka Horn Cable baahisay 20-kii June 2020.

Duruufaha ayaa ogolaanaya in dadweynuhu si dhaw ugu kuur-galaan si ay toosh ka ugu iftiimiyaan saamaynta qofka, qoyska iyo hay’adaha marka aan isla xisaabtan ka jirin laamihii dawladda. Qisada ku dhacday Cawo iyo qoyskeeda, iyo carruurta kale ee ku eedaysan kufsiga iyaga oo aan la marin hannaankii sharciga waafaqsanaa, waa nidaam caddaalad-darro is huwan oo aad looga xumaado, sharcigii iyo Dastuurkii Somaliland oo lagu xadgudbay, masuuliyaddii oo la gabay, awooddii oo lagu tagri falay iyo mugdi ku jira isla xisaabtankii hay’ado badan oo xukuumadda ka tirsan.

Hay’adda Horizon waxa ay ku baaqaysaa baadhis madax-bannaan oo ku saabsan kiiskan. Gabadhan yar ee udub-dhexaadka u ah arrintan, taas oo karaamadeedii iyo caafimaadkeedi ay dayaceen Xarrunta Agoomuhu, waxa ay mudan tahay in ay hesho caddaalad dhibtii ay u soo adkaysatay. Sidoo kale wiilasha dhallinyarada ah ee ku noolaa Xarrunta Agoomaha ee la soo xidhay kadib markii baadhis degdeg ah la sameeyey waxa ay u baahan yihiin xuquuqdooda in la dhawro. Isku soo duuboo, cidda dayacday caruurtani waa dadkii waayeelka ahaa. Waa waayeelkii kuwa aan u fidin daryeelkii iyo dhawristii ay xaqa u lahaayeen. Waa dadka masuuliyiinta ah cidda ay tahay in lagu canaanto kufsiga lagula kacay gabadha yar iyo xadhiga wiilasha lixda ah ee lagu hayo Xarrunta CID-da. Tani maaha wax ay u qalmaan in lagula kaco ubadkeenu. Click here to view the full document.

Hay’adda Horizon oo ka shaqaysa sidii loo horumarin lahaa sarreynta sharciga iyo xuquuqal insaanka. Wixii macluumaad dheeraad ah ee aad u baahan tahay, waxa aad nagala soo xidhiidhi kataa email-ka info@thehorizoninstitute.org. Si aad wax badan uga ogaatid hawsha aanu qabano, fadlan booqo degalka internet-ka aanu ku leenahay ee www.thehorizoninstitute.org nagala soco Twitter @Horizon_SL iyo Facebook @HorizonInstituteSomaliland

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post