Araweelo News Network

Hooyada iyo inanteeda

Hooyada iyo inanteeda


Hargeysa (ANN)- Hooyo Ayaan Cabdikariin Jaamac, ayaa ka xog-warrantay gabadh ay dhashay 8 jir ah oo laga xaday gurigooda oo ku yaal xaafadda Xawaadle ee caasimadda Hargeysa maalintii Isniinta ee toddobaadkan, maalin kadibna lagu qabtay magaalada Boorama.
Marwo Ayaan oo ay weheliso inanteeda yar oo la yidhaa Safiya Siciid Cabdi iyo xubno ka mid ah qoyskooda oo xarunta Jamhuuriya soo booqday xalay, waxa ay sheegtay inay inanta yar kaxaysatay gabadh marti ah oo gurigooda joogtay 15 maalmood, iyadoo haweenaydaas inanta xadday iyo laba qof oo kale uu ku jiro nin Carab ah lagu qabtay magaalada Boorama maalintii Salaasada.
“Gabadha kaxaysatay inanta yar waxa ay guriga ila joogtay muddo 15 maalmood ah, dhawr jeer oo horena way noo timmi oo dhinac ayaannu qaraabo ka nahay, waxana dhacday in gelinkii hore ee maalintii Isniinta ay inanta yar kaxaystay, iyadoo sheegtay inay meel dhow ka soo noqonayso, waxayna inantaydu sii qaadatay telefoonkaygii gacanta, kadibna markii aan wax war ah ka waayey ilaa duhurnimadii ayaan la hadlay, waxayna ii sheegtay inay soo socdaan, balse waan waayey, telefoonkiina way iga qaban waayeen,” ayey tidhi hooyo Ayaan Cabdikariin oo ka warramaysay qaabkii inanteeda yar loo qafaashay.
Waxa kaloo ay ka hadashay sida ay u ogaadeen halka lala tegay inanteeda yare e la xaday, waxayna tidhi; “Telefoonkii ayaan in badan garaacayey, balse cidna igama qaban, xilli casarkii ah waxa iga qabatay gabadh kale oo aan waxba ii sheegin, haddana markii dambe waxa iga qabtay nin Carab ah oo aan hadalkiisa fahmi waayey, kadibna waxaannu ogaannay inay ka baxeen Hargeysa, una sii socdaan dhinaca Boorama. Waxaannu la hadalnay qof aannu qaraabo nahay oo jooga Boorama, waxaanan u sheegnay arrinta dhacday.”
“Kadibna inta uu soo kaxaystay askar boolis ah, ayuu soo istaagay kaantaroolka Boorama. Nasiib-wanaag waxa la qabtay baabuur NOAH ah oo lagu qaatay inantayda yar, waxaanay bilaysku xidheen gabadha inanta kaxaysatay, haweenay kale iyo nin Carab ah oo la socday, sidaas ayaan inantayda yar lagu soo badbaadiyey.”
Hooyo Ayaan Cabdikariin Jaamac, ayaa sidoo kale u sheegtay Jamhuuriya markii ay gaadheen magaalada Boorama inay ciidanka dambi-baadhista ee boolisku su’aalo kala duwan weydiiyeen, isla markaana haysteen ilaa gelinkii dambe ee Arabacadii shalay, kadibna iyada iyo inanteeda yarba fasaxeen markii ay xogtooda ka dhammaysteen.
“Waxa booliska iyo kuwa dambi-baadhistu noo sheegeen inay iyagu gacanta ku hayaan, si rasmi ahna baadhis ugu samaynayaan sababta ilmaha yar looga xaday Hargeysa, waxaanna kiiskaas u xidhan laba dumar ah iyo nin Carab ah, dawladda ayaana hadda arrintooda la wareegtay, annagana way na soo fasaxeen, waxase Ilaahay mahadii ah in aan helo inantayda yar oo la ii soo badbaadiyey, wax dhib amma waxyeelo ah oo jidhkeeda ka muuqda amma lagu arkayna ma jirto, laakiin aad ayey u naxsan tahay,” ayey tidhi hooyo Ayaan Cabdikariin.