X

Hooyo Dhashay Hal Mar Sagaal Caruur Ah Oo Indhaha Caalamka Ku Jeedisay Dalalka Mali iyo Morocco

Dhakhaatiirta Cisbitaalka ay ku dhashay sagaalka Carruurta ah Maamo Xaliimo Ciise qaliin uu ku sameeyay kaga soo saaray carruurta Morocco 5 May 2021, Image Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

Mali iyo Morocco  Oo Ka Hadlay Hooyo Xaliimio Ciise Oo Sagaal Mataano Ah Dhashay

 

#Rabat, #Morocco, (ANN)- Haweenay u dhalatay da;la Mali ee galbeedka Afrika, ayaa si weyn usoo jiidatay warbaahinta aduunka, kaddib markii ay mar wada dhasahy sagaal carruur ah oo mataano ah, kuwaas oo ay nababad ah ugu dhashay Cisbitaal ku yaal dalka Moroccco.

Maama Xaliimo Ciise oo 25-sano jir ah, waxay u dhalatay dalka Mali, waxayse dalka Morocco ee ay jaarka yihiin ku dhashay sagaalka carruurta ah oo ay mar wada umushay, waxayna beenisay baadhitaano hore loogu sameeyay markii ay xaalimada ahayd oo loogu sheegay in ay sido toddba caruur ah ,balse markii dambe dhashay sagaal caruur ah oo isugu jira shan Gabdhood iyo Afar wiil.

Dhakhaatiirta Cisbitaalka  ay ku dhashay sagaalka Carruurta ah, ayaa Maamo Xaliimo Ciise qaliin uu ku sameeyay kaga soo saaray carruurtan, waxaana dhakhaatiirtsa fuliyay qaliinka lagag ummuliyay sheegeen in hooyada iyo caruurtaba xaaladooda ay fiican yihiin oo aannay jirin wax dhibaato ah.

Dhinaca kale, Wasiirka caafimaadka ee dalka Mali, Fanta Siby, ayaa warbaahinta u sheegtay in dowladda gacan ka geesatay sidii hooyadaa loola socon lahaa xaaladdeeda caafimaad iyada iyo carruurteeda, isla markaana xukuumadda Mali ay la socoto in Maamo Xaliimo iyo carruurteedu nabad qabaan oo aan xaaladdooda caafimaad laga werwerayn.

Dhacdadan, ayaa si weyn usoo jidatay indhaha caalamka, kadib markii warbaahinti si weyn u qaadaa dhigtay, isla markaana baraha bulshada ayaa magaca haweenayda Xaliima Ciise isaga gudbay dacalada aduunka, waxaana lagu tilmaamay xikmad Allaha awoodda baddan uu haweenaydan ku abuuray sagaal carruur ah oo ay hal mar wada dhashay si weliba nabad ah, iyadoo noqotay Hooyo nasiib badan oo Allah ku arsaaqay hal mar sagaal carruur ah iyada seygeeda.

Wallaw ay jiraan dadka qaar siyaabo kala duwan uga faallloonayaa baraha Bulshada, waxaase xaqiiq ah in ay qayb ka tahay arrintan amuuraha iyo awooddaha Allah ee isagu wax walba awioodda, waxaana beenoobay warbixintii ay hore dhakhaatiirtu u siyeen ee ay ahayd in ay sido toddoba Carruur ah, waana xikmad Allah hooyadan nasiibka badan ee Allah hal mar ku siiyay irsaaqada sagaalka Ubadka ah, maansha Allah, waxaynu u rajaynaynaa Hooyo Xaliimo Ciise iyo Ubadkeeda yar yar Caafimaad wanaagsan iyo mustaqbal.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post