X
    Categories: Warar

Holland Oo Albaabada U Xidhay 8 Xabsi Markii la Waayey Dambiilayaal Lagu Xidho

Araweelo News Network
Netherland (ANN)Dalka Holland, ayaa xidhay Xabsiyo ku yaal dalkiisa , kuwaas oo albaabada loo xidhay markii la waayey dambiilayaal lagu xidho, sidaa darteedna dawladdu u go’aansatay in la iska xidho, halka ay jiraan waddamo badan oo caalamka ah, gaar ahaan Ingiriiska oo dambiilayaashu buux-dhaafiyeen jeelasha.
Wasiirka Caddaaladda Netherland oo waraysi siiyey wargeyska Huffington Post oo Jamhuuriya soo xigtay, ayaa xaqiijiyey inay xidhayaan 8 xabsi oo la waayey cid lagu xidho amma wax dambiyo ah aanay muddo dhicin.
Dalkan oo dambiyadiisu hoos u dhaceen, ayaa markii hore xabsiyadiisu awood u lahaayeen in ay qadaan 14,000 maxbuus, balse 12,000 maxbuus ay xabsiyada ku jireen, waxaannu sheegay Wasiirku in hoos-u-dhaca dambiyadu sii socon doonaan.
Warbixin sannadkii hore la soo saaray oo ku saabsan xabsiyada buux-dhaafay caalamka ayaa ka digtay in meelo badan oo adduunka ay aanay maxaabiistu helin xuquuqahooda aasaasiga ah inta ay xidhan yihiin.
Ururka CJA (Criminal Justice Alliance) oo ah isbaahaysi dambiyada la xidhiidha oo 60 urur oo kala duwan ku bahoobeen, ayaa dawladda Netherland ugu baaqday in xabsiyada aan daruuriga ahayn iska xidho, maadaama ay culays dhaqaale ku hayaan dalka.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post