X
    Categories: Warar

Hoggaamiyihii Maamul Goboleedka Galmudug Oo Lagu Weerraray Gaalkacyo

Araweelo News Network

Gaalkacayo(ANN)Hoggaamiyaha Maamul goboleedka Galmudug Cabdi Kariim Xuseen Guuleed, ayaa ka badbaaday isku day dil oo ay la damacsanaayeen maleeshiyaad aad u hubeysan oo kasoo horjeeda heshiiskii Xabad joojinta magaalada Gaalkacyo.

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo weerrarka, ayaa dhacay kadib markii rag hubeysan ay weerar xooggan ku qaadeen Hoteel uu Koonfurta Gaalkacyo ka deganaa Hoggaamiyaha maamul goboleedka Galmudug Cabdi Kariim Xuseen Guuleed.

Balse sida ay sheegayaan dadka deegaanku waxa dagaal xooggan uu dhaxmaray ilaalada Guuleed iyo maleeshiyaadkii weerarka qaaday qaar ka mdi ah Dadka ku dhaqan Koonfurta Gaalkacyo, ayaa sheegay in ay maqlayeen rasaas xooggan oo ay is dhaafsanayeen kooxaha weerarka qaaday iyo ciidamadii ilaalada ka hayay Hoteelka.

Ma jirto illaa iyo hadda cid ka hadashay weerrarkaa iyo sida ay tahay xaaladda caafimaad ee Cabdi Kariim Xuseen Guuleed kadib markii weerarka lagu qaaday Huteelka uu deganaa.

Waraka qaar ayaa sheegaya in maleeshiyaadka weerarka qaaday ay kasoo horjeedaan Heshiis uu maamulka Galmudug lagalay maamulka kale ee Puntland, kaasi oo dhigayay in maleeshiyaadka Galmudug isaga baxaan gooba muhiim ah oo Gaalkacyo katirsan, kuwaas oo ay qabsadeen markii dhowaan halkaa dagaal soo noq-noqday ku dhexmaray labada dhinac.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post