Araweelo News Network

abdikarimguledGaalkacayo(ANN)Hoggaamiyaha Maamul goboleedka Galmudug Cabdi Kariim Xuseen Guuleed, ayaa ka badbaaday isku day dil oo ay la damacsanaayeen maleeshiyaad aad u hubeysan oo kasoo horjeeda heshiiskii Xabad joojinta magaalada Gaalkacyo.

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo weerrarka, ayaa dhacay kadib markii rag hubeysan ay weerar xooggan ku qaadeen Hoteel uu Koonfurta Gaalkacyo ka deganaa Hoggaamiyaha maamul goboleedka Galmudug Cabdi Kariim Xuseen Guuleed.

Balse sida ay sheegayaan dadka deegaanku waxa dagaal xooggan uu dhaxmaray ilaalada Guuleed iyo maleeshiyaadkii weerarka qaaday qaar ka mdi ah Dadka ku dhaqan Koonfurta Gaalkacyo, ayaa sheegay in ay maqlayeen rasaas xooggan oo ay is dhaafsanayeen kooxaha weerarka qaaday iyo ciidamadii ilaalada ka hayay Hoteelka.

Ma jirto illaa iyo hadda cid ka hadashay weerrarkaa iyo sida ay tahay xaaladda caafimaad ee Cabdi Kariim Xuseen Guuleed kadib markii weerarka lagu qaaday Huteelka uu deganaa.

Waraka qaar ayaa sheegaya in maleeshiyaadka weerarka qaaday ay kasoo horjeedaan Heshiis uu maamulka Galmudug lagalay maamulka kale ee Puntland, kaasi oo dhigayay in maleeshiyaadka Galmudug isaga baxaan gooba muhiim ah oo Gaalkacyo katirsan, kuwaas oo ay qabsadeen markii dhowaan halkaa dagaal soo noq-noqday ku dhexmaray labada dhinac.