X
    Categories: Warar

Hoggaamiyihii Al-shabaab ee Kenya oo ku Biiray Daacish


Nairobi (ANN)Hay’adda Sirdoonka Kenya ayaa sheegtay in Maxamed Kuno oo ahaa hoggaamiyihii Al-shabaab ee dalkooda uu ku biiray kooxda Daacish ee ka dagaallanta waddamada Suuriya iyo Ciraaq.
Maxamed Kuno ayaa la rumaysan yahay inuu yahay maskaxdii ka dambaysay weerarkii khasaaraha badan dhaliyey ee lagu qaaday Jaamacadda magaalada Gaarissa ee dalka Kenya lix bilood.
Dagaalyahankan oo sidoo kale loogu yeedho Gacmo-dheere waxa kaloo uu ahaa hoggaamiyihii kooxda Al-shabaab ee Gobolka Jubadda Hoose ee Soomaaliya, sida ay sheegayaan warar laga helay, waxa uu waqtigan madax ka yahay ku-dhowaad 1200 (kun iyo laba boqol) dagaalyahan la baxay Jabhadda Jeysh oo ka tirsan kooxda Daacish oo ku dhuumaalaysta kaymaha degaanka Booni ee Kenya, halkaas oo ay dhowr jeer ka weerareen gudaha dalkaas.
Sirdoonka Kenya ayaa ka digay in Maxamed Kuno noqdo hoggaamiyaha ururka Daacish ee u qaabilsan dalkooda, isla markaana sabab u noqdo weerarro argagxiso oo khasaare culus dhaliya.
Dawladda Kenya ayaa soo bandhigtay lacag gaadhaysa $201,5000 doollar oo lagu abaalmarin doona cidda soo sheegta xog ku saabsan halka uu joogo Kuno oo lagu eedeeyay inuu soo qorsheeyey weerarkii lagu qaaday Jaamacadda Gaarisa ee Gobolka Woqooyi Bari oo lagu dilay 148 qof, tiro intaas ka badanna lagu dhaawacay badhtamihii sannadkan 2015.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post