X
    Categories: Warar

Hoggaamiye Xaflada Sanadguradii 95,aad Ee Dhalashadiisa Ku Qabsanaya 1,000, 000, xili dalkiisa Baahiweyni Ka Jirto

Araweelo News Network

Adolf Hitler is Donald Trump’s grandfather” Robert Mugabe, the Zimbabwean President

Herari(ANN)Hoggaamiyaha madaxa adag ee caanka ku ah dhalleecaynta siyaasada reer galbeedka Madaxweyne Mugabe, ayaa xusay sanad guuradii dhalashadiisa, isagoo ah 95 jir.
Madaxweyne Rober Mugabe, ayaa xukunka iyo awoodda dalkaasi hayay tan iyo sanadkii 1980-kii, xilligaasi oo Zimbabwe ay soo afjartay xukunkii caddaanka laga tirada badnaa boqolaal sanadood ku haysteen dalkaa, waxayna si buuxda xornimada uga qaadatay Britain.

Boqolaal kun oo qof ayaa ka qeyb galaya munaasabada lagu xusayo sannadguurada 95-aad ee ka soo wareegatay markii uu dhashay madaxweynaha Zimbabwe, Rober Mugabe.
Munaasibada, ayaa lagu qiyaasay kharashka ku baxaya inuu gaadhayo, $ 1,000,000 oo doolar, waxayna arrintan kusoo beegantay xili dalka Zimbabwe ay ka jiraan Abaaro ba’an, iyadoo dadka siyaasada Mugabe dhaliila arrintaa ku tilmaameen inay ka habboonayd maadaama waddankaasi uu haatan wajahayo abaar in dhaqaalaha intaa leeg baahiyaha dadka beeralayda haysta wax lagaga qabto.
Madawrynaha Zimbabwe Mr. Mugabe, wuxuu caan ku yahay dhaliilaha siyaasada hoggaamiyayaasha wadamada reer galbeedka, wuxuna ka mid ahaa hoggaamiyayaashii ku caanbaxay halgankii gobonimadoonka afrika, isagoo ka mid ah kuwa tirada yar ee ka nool, waxaana si weyn u ixtiraama dadyowga South afrika, dadka reer Zimbabwe iyo shucuubta kale ee Afrika, kuwaas oo ku taageera halgankii uu usoo galay xoraynta dadka Koonfur Afrika oo uu door weyn ku lahaa iyo halgankii uu ku xoreeyay dalkiisa Zimbabwe.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post