X
    Categories: Warar

Hoggaamiye U Hadlay Tigary Oo Sheegay Kumanaan Laga Dilay Ciidanka Federaalka Iyo Kuwa Taageersan Ee Qabsaday Mekelle

Getachew Reda

Araweelo News Network

 

Tigray(ANN)-Xaaladda gobolka #Tigray ee Ethiopia, ayaa sii xumaanay, iyadoo ay halkaa weli ka socdaan dagaalo lagu hoobtay oo u dhexeeya ciidamada dawladda Federaalka iyo dagaalyahanka xoraynta eeTigray TPLF.

Sarkaal u hadlay TPLF, ayaa khamiistii sheegay in dhawr kun oo askarta dawladda Ethiopia, kuwa Eretria ee xulufada kula ah duulkanka sida uu sheegay  iyo malayshiyaadka taageeraya ee qabsaday xarunta Gobolka Tigray ee Mekelle laga dilay tan iyo markii dagaal socday muddo bil ah ay xukuumaddu sheegtay inay qabsatay magaalada xarunta u ahayd maamulka Tigray ee Mekelle.

Getachew Reda, oo ah lataliyaha hoggaamiyaha Tigray, ayaa markii u horraysay todobaad kaddib markii ay qabsadeen ciidamadda Dawladda Federaalka Magaalada Mekelle dagaal socday muddoo bil ah kaddib kasoo muuqday warbaahinta, wuxuuna wareysi uu siiyay  Telefishanka Tigray (Tigray TV) khamiistii ugu baaqay  dhalinyarada iyo dadka kale ee gobolka inay kacaan oo ay ka saaraan gobolka wuxuu ugu yeedhay duulaanka lagu qabsaday.

Afhayeenka u hadlay Tigray, Getachew Reda, wuxuu sheegay in xilligan dagaalku ka socdo meelo baddan oo gobolka ah, “Awooda aan ku leenahay in aan iska caabino aakhirka waxay ku xidhantahay taageerada aan ka helno dadkeena,” ayuu yidhi, Getachew, wuxuuna intaa raaciyay “Waa macquul in la helo jawi aan wax walba ku joojinayno si aan dadka oo dhan uga dhigno askar”

AKHRI: #TPLF, Debretsion #Gebremichael Muxuu Ka Yidhi  Guusha Xuukuumadda Ethiopia ee Dagaalka?

Getachew Reda wuxuu sheegay in ay ka baxeen magaalada Mekelle si aan khasaare weyn u gaadhin magaalada, isla markaana ay ku sugan yihiin meel aan ka fogayn oo deegaanka ah. Sidoo kale, wuxuu sheegay ciidankoodu samaynayaan waxyaabo layaaab ah, marka laga hadlayo dagaalka, balse ma sheegin tirada dhabta ah ee dagaalka kaga dhimatay dhankooda iyo inta ay yihiin dagaalyahanka TPLF,  “ciidankeennu waxay sameynayaan waxyaabo la yaab leh iyagoo ah weli tiro kooban.”

Sheegashada Getachew Reda ee hoggaamiyayaasha Tigray, ayaan si dhab ah loox aqiijin karin, iyadoo isgaadhsiinta, telefoonada iyo isu socodka gaadiidku ka go’an yihiin gobolkaa oo ay ku noolyihiin qiyaastii 6 milyan oo qof, sidaa awgeed waxa adag in la ogaado xaalada dhabta ah ee ka jirta gobolka.

Dhinaca kale xukuumadda Federaalka ah, ayaan weli ka hadlin sheegashada hoggaamiyayaasha Tigray, isla markanaa waxa jira qaylo dhaan dhanka gargaarka aadamiga ah, iyadoo shaqaalaha gargaarka eek u sugan xarunta gobolka Tigray ee Mekelle sheegayaan inay halkaa ka dhammaadeen dawooyinkii iyo cuntudii, isla markaana cusbitaalka Mekelle ay wadhan yihiin maydadka oo aan la hayn baco lagu rido iyo meel la dhigo midna. Sidaa awgeed waxay ka dayriyeen xaaladda gobolka.

Qiyaastii ku dhowaad afartan kun oo qof, ayaa ka qaxay gobolka Tigray tan iyo markii uu dagaalku ka bilaabmay halkaa, waxaana qoxootigaasi u gudbeen dhanka dalka Suudaan, iyadoo ay maalinba maalinta ka danbaysa soo badanayaan tirada dadka kasoo carayaya sida ay sheegayaan saraakiisha qaramada Midoobay ee ku sugan Suudaan.

Dhinaca kale, hay’addaha xuquuqda Aadamaha, ayaa ka digaya xasuuq ka dhaca deegaankaa, iyadoo ay horeba u xaqiijiyeen inuu ay dhaceen xasuuq iyo xadgudubyo intii ay collaadu ka socotay halkaa, isla markaana waxay ku baqaayaan in xukuumaddu soo celiso adeegyadii isgaadhsiinta Telefoonada Internetka iyo in ay oggolaato in gargaarka iyo booqashada warbaahinta ee deegaankaa si xaqiiqda loo oggaado, balse xukuumadda Ethiopia oo horeba u diiday dalabyadaa, ayaa weli ka war wareegay in ay aqbasho, waxayna taas bedelkeeda la kulmaysaa xukuumadda Abiy ee Ethiopia canbaarayn caalami ah ee sii xoogaysanay.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post