X

Hoggaamiye Nabadeed Door Weyn Ku Lahaa Dhismaha Qaranka Somaliland Oo Geeriyooday

Araweelo News Network.

 

Xudun (ANN)-Allah ha u naxariistee Chief Caaqil Maxamed Aadan Cade oo ka mid ahaa tiirarka nabada iyo dhiska qaranka Somaliland, ayaa ku geeriyooday magaaladda xudun ee xarunta u ah gobolka Xaysimo.

Marxuumka,  ayaa Salaasadii lagu aasay deegaanka Xudun, aaskiisa waxa  ka qaybgalay Wasiirrada Arrimaha Gudaha Somaliland,  Maxamed Kaahin Axmed iyo Warfaafinta, Saleebaan Cali Koore oo ay weheliyaan taliyayaal, saraakiil ciidamadda ah iyo masuuliyiin kale oo hawlo nabadayn u jooga deegaanka.

Sidoo kale, salaadiin, madaxdhaqameed, gaarado iyo dad weyne tiro badan, ayaa ka qaybgalay aaska marxuumkaa oo ka mid ahaa Odayaasha caanka ku ah nabada iyo daminta collaadaha inta baddan ka aloosma deegaankaa, waxayna boqoola qof oo ka qaybgalay jinaasadiisa muujiyeen muruga geeridiisa, kuwaas oo qiray doorka nabadaynta ee Marxuumka.

Maruum Chief Caaqil, Maxamed Aadan Cade, ayaa kasoo jeeday qoys talo-qabeen ah oo caan ka ah deegaamada Somaliland, gaar ahaan Nugaal iyo Hawd, wuxuuna door weyn ku lahaa nabadayntii seeska u ahayd dhismaha qaranka Somaliland ee kasoo unkamay shirarkii gobollada Sanaag , Sool, Togdheer iyo Saaxil, kuwaas oo natiijadoodu noqotay in lagu shirweynihii Burco 18 May 1991, lagu dhiso qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee lasoo noqday xoriyadii uu dawladdii mustacmarada ahayd ee Boqortooyadii Midawday ka qaatay 26 Jun 1960.

 

Wasiirrada Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed iyo Warfaafinta , Saleebaan Cali Koore, ayaa si isku mid ah uga sheekeeyay taariikhda maruumka iyo doorkii uu ku lahaa nabadaynta iyo dhismaha qaranka, sidoo kale, waxay sheegeen in shirarka la doonayo in lagu soo afjaro caollaad ka aloosan deegaanka oo ay halkaa u joogaan wefdiga ay hoggaaminayaan labada wasiir marxuumku door weyn ku lahaa sidii looga midha dhalin lahaa, waxayna tilamaameen in la tebi doono marxuumka doorka shariifka ah ee nabada iyo heshiisiinta dadka, iyagoo ka tacsiyeeyay geeridiiisa qaranka Somaliland, qoyskii, eheladii, Odayaasha deegaanka iyo bulshada nabada jecel, isla markaana Allah uga baryay inuu samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo, isagana Allah naxariistiisa ugu deeqo.

Dhinaca kale, Tafaftiraha Shebekaddaha Araweelo News Network iyo dhamaman Bahda Araweelo News, waxay ka tacsiyaynaysaa geerida marxuumka Qoyska Reer Aadan Cade iyo dhammaan bulshada uu hoggaamiyaha u ahaa, waxayna Allah uga baryayaan inuu marxuumka jana-fardawsa ugu deeqo.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post