Araweelo News Network
ismail omar geleHargeysa(ANN)Hoggasmiyayaasha Somaliland iyo Somalia ayaa ka hadlay natiijada doorashada dalka Djibouti oo uu ku guulaystay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Qoraal kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland, ayaa u qornaa sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa shacbiga iyo dawladda jabuuti, doorashada sida nabadgelyada ah uga qabsoontay dalkaasi shalay oo Jimce ahayd, isagoo si gaara hambalyadaasi ugu diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo markii Afraad loo doortay hoggaaminta dalkiisa.

Waxanu madaxweynuhu yidhi “Anigoo ku hadlaya Magacayga, kan dawladda iyo kan shacbiga Somaliland, waxaan madaxweyne, kugu Hambalyeynayaa doorashadii sida nabad-gelyada leh uga dhacday dalka Jabuuti Jimcihii (08/04/2016), waxaanan si gaar ah kaaga tahniyadaynayaa guusha aad ka gaadhay in shacbiga dalka Jabuuti ku doorteen madaxweynaha dalka Jabuuti mar kale.

Madaxweyne waxaan ku kalsoonahay in horumarka muuqda ee ay Jabuuti ku talaabsatay muddadii aad hogaaminaysay uu sii socon doono, anigoo aaminsan in xidhiidhka ka dhaxeeya labadeena dal uu noqon-doono mid midha dhal ah oo sii xoogaysta.

Waxaan mar labaad si farxadi ku dheehantahay kugu hambalyeynayaa guusha taariikhiga ah ee aad ka soo hooysay doorashada dalkaaga ka qabsoontay oo ahayd mid taariikhiya.

Waxanan idiin rajaynayaa Mudane Madaxweyne, adiga, dawladda iyo Shacabka reer Jabuuti ee aanu Walaalaha nahay in aad ku waartaan Barwaaqo, Nabadgelyo iyo Horumar.ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay qasriga Madaxtioyadda Somaliland.

Sidoo kale Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee dalkaasi ka dhacday shalay.

“Anigoo ku hadlaya magacayga, magaca Xukuumadda iyo ka shacbiga Soomaaliyeed , waxaan Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, adiga iyo shacbiga aanu walaalaha nahay ee Djibouti kuugu hambalyaynayaa guushii iyo natiijadii ka soo baxday doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday wadankaaga oo mar kale shacbiga Djibouti ay kugu siiyeen kalsoonidooda oo ay kuu doorteen Madaxweynaha cusub ee dalkaasi, waxaan kuu rajaynayaa in ILAAHAY kuu fududeeyo masuuliyadda shacbigaagu ku saareen”ayuu yidhi Wasaare Cumar.

“Shacabka iyo Dawladda Soomaaliyeed waxay ogsoon yihiin taageeradda iyo gacan qabashada aad noo fidisaan, taasi oo aan rajaynayo inay sii xoojin doonto xidhiidhks iyo wax wada qabsiga u dhaxeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Djibouti. ayuu yidhi Cumar Abdirashiid.
Guddomiyaha Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay doorashada dalka Djibouti, wuxuuna dhanbaal uu kaga hadlay ku yidhi sidan:-
“Waxaan dhambaal hambalyo ah u dirayaa shacabka, dawladda iyo Madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ee ay u hirgashay doorashada madaxtinimo ee codbixinteedu qabsoontay maalintii Jimcaha, natiijadeedna lagu dhawaaqay maanta oo Sabti ah (09/04/2016).

Waxaan si gaar ah hambalyo iyo bogaadin ugu diyaraa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane, Ismaaciil Cumar Geelle guusha uu ka gaadhay doorahsadaasi ee loogu doortay xilka Madaxweynenimo mar afraad. Waxaan u arkaa in hannaanka nabadgalyada ah ee ay u dhacday doorashada Jabuuti iyo guusha uu mar kale ka soo hooyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay sii xoojinayso nabad-ku-wada noolaanshaha shucuubta ku dhaqan dalalka ku yaal Gobolka Geeska Afrika iyo sii socoshada dedaalka horumarinta guud ahaan Mandaqada, gaar ahaanna dalka Jabuuti.

Ugu dambayntii, annigoo ku hadlaya afka hoggaanka xisbiga KULMIYE, Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, guud ahaan taageerayaasha xisbiga iyo xilkayga Guddoomiyaha iyo murrashaxa jagada madaxweynenimo ee xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan Ilaahay uga baryayaa Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle inuu u fududeeyo xilka cusub ee mar kale ay u dhiibteen shacabka dalkiisu, kuna guulaysto horumarinta waddankiisa iyo dadkiisaba.”ayaa lagu yidhi qoraalka Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE.