X
    Categories: Warar

Hoggaamiyayaasha Madasha Xisbiyada Oo Ka Baxay Heshiis Ay La Galeen Madaxweyne Farmaajo

Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed.


Muqdisho(ANN)-Hoggaamiyaasha Madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya, ayaa si cad u shaaciyay inuu bur-buray heshiis ay Bishii November lasoo dhaafay Villa Somalia kula saxeexdeen Madaxweynaha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.


Sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran, oo ku taariikheysan 18-ka December, ayaa lagu cadeeyay in aanay diyaar u ahayn ianay wada-hadallo kale la galaan Madaxweyne Farmaajo, iyadoo sabab uga dhigay in aanu daacad ka ahayn wada hadalada oo uu jebiyay heshiiskii ay hore u gaadheen.
Waxa kale oo ay ku xuseen qoraalkooda oo ay ku eedeeyeen Madaxweyne Farmaao, inuu sii wado inuu shacabka u diido xuquuqdooda aas-aasiga ah ee hadalka iyo dhaq-dhaqaaqa xoriyada, isla markaana uu sii wado u adeegsiga hay’addaha amniga ee Federaalka, isagoo sida ay ku doodeen raadinaya hadafyo siyaasadeed oo ay ku tilmaameen kuwo hooseeya.

Madasha Xisbiyada Qaran waxay sidoo kale madaxweyne Farmajao ku eedeeysay, inuu rabshado iyo xasillooni darro aan loo baahnayn ka wada maamul goboleedyada dalka, isaga oo maal-gelinaya sida ay sheegeen kacdoono ka dhan ah dowladdo lay ku tilmaameen kuwo la doortay.


Sidoo kale, waxay ku eedeeyeen Madaxweyne Farmajo inuu weli sii wado taageerida qorshihiisa doorashooyinka 2020/21, oo ay sheegeen inuu yahay mid ka baxsan dastuurka, kaas oo aanay iftiimin.

Sidaa awgeed waxay Hoggaamiyayaasha Madasha Xisbiyadu sheegeen in qodobadaas ay yihiin kuwo jebinaya heshiisyadii hore loo gaadhay, isla markaana ay yihiin kuwo muujinaya in Madaxweynahu aanu daacad ka ahayn inuu xal iyo heshiis la gaadho dhinacyada saameynta ku leh siyaasadda dalka, waxayna ku xidheen shuruud inay kusoo noqdaan wada hadaladii in Madaxweynahu dhankiisa ka shaaciyo qodobada heshiiskii hore, islamarkaana uu fuliyo.


Dhinaca kale Madaxtooyada Soomaaliya ayaan weli ka hadlin eedaha ay soo jeediyeen ee ah in Madaxweyne Farmaajo ka baxay Heshiiska isaga iyo Hoggaamiyayaasha Xisbiyadu wada gaadheen 20 November 2019, kaas oo ka dhacay xatunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia ee ay hore u wada saxeexdeen Madaxweyne Farmaajo iyo labadii madaxweyne ee hore Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh oo metelayay dhinaca kale ee Madasha Xisbiyada.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post