X
    Categories: Warar

Hoggaamiyayaasha Maamul Goboleedyada Soomaaliya Oo Samaystay Gole Meesha Ka Saaraya Awooda Dawladda Dhexe Ee Federaalka

Araweelo News Network

Kismaayo(ANN)-Hoggaamiyayaasha shanta maamul goboleed ee Soomaaliya oo maalmihii u danbeeyay  ku shirayay magaalada Kismaayo, ayaa soo saaray war saxaafadeed ay kaga hadlayaan waxyaabihii ay ku heshiiyeen.

 

War saxaafadeedka oo ka kooban 3 bog oo ay ku qoreen 16 qodob oo kasoo baxay kulankooda, waxay  qodobka ugu horeeyana  ku shaaciyeen in ay samaysteen gole loogu magacdaray Golaha Dowlad Goboleedyada, kaas oo guddoomiye loogu doortay madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, halka ku xigeenkiisa loo doortay madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

 

Qoraalka ay soo saareen, ayaa u badnaa cabasho iyo eedeymo waaweyn oo loo jeedinayo dowladda federaalka, iyagoo  ku xusay cabshadooda  in aanay dawladda Federaalka ka go’nayn hirgalinta nidaamka Federaalka, qabashada doorasho qof iyo cod ah marka la gaadho  sanadka 2020-ka, waxay sidoo kale sheegeen in dowlad goboleedyada laga qadiyay deeqihii caalamka, kuwaas oo ay sheegeen in ay dawladda Federaalka u gacan galeen.

Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Soomaaliya, ayaa ku adkaystay in qodobka 53aad ee dastuurka la tixgaliyo, kaas oo dhigaya in dowlad goboleedyada ay dowladda dhexe kala tashato waxyaabaha masiiriga ah. Halka dowladda federaalka ay ku adkaysanayso qodobka 54 aad ee dastuurka oo awood buuxda u siinaya siyaasadda arrimaha dibada, lacagta iyo waxyaabo kale.

Hoggaamiyayaasha ku shiray Kismaayo, ayaa joojiyay dhammaan wadashaqayntii wasaaradaha dowlad goboleedyada ay la lahaayeen kuwa dowladda federaalka inta laga gaadhayo isfaham rasmi ah, waxayna cabasho xooggan ka muujiyeen sharciyada ‘sida deg-dega ah  loo meelmariyo iyada oo aan la tixgalinin aragtidooda, waxay tusaale usoo qaateen Sharcigii ugu dambeeyay ee la ansixiyay oo ahaa ka isgaarsiinta, kaas oo dowlad goboleedyadu ay hore cabasho uga muujiyeen.

 

Madaxda Maamul Goboleedyada oo kulankaa kusoo qaaday xiisada ka taagan Galmudug, ayaa ku baaqay in xal wadahadal ku yimaada laga gaadho, waxayna ku baaqeen in farogalinta dibadda laga joojiyo arrinta Galmudug.

 

Xukuumadda  dhexe ee Federaalka ayaan  shirkaa  kasoo qeybgalin, mana jirto wax hadal ah oo ay wali kasoo saartay go’aamada kasoo baxay shirkaa oo meesha ka saaraya awooda dawladda dhexe ee Federaalka.

 

Shirka Kismaayo,  ayaa kusoo beegmay kadib markii dowladda Federaalka iyo dolwad goboleedyada ay isku khilaafeen, islamarkaasna la kala safteen muranka dublamaasiyadeed ee ka dhaxeeya dalalka carabta, kaas oo Dowladda Soomaaliya moowqif dhexdhexaad ah ka qaadatay , balse 3 ka mid ah maamul goboleedyadu  ay taageereen xulufada Sucuudiga.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post