X

Hoggaamiyaha Xisbiga U Dagaalama Xorriyadda dhaqaallaha Ee Koonfur Afrika Ugu Baaqay Xukuumadda In Dhalinyarada Aan Shaqayn Ee Ka Baxay Jaamacaddaha Lacag Gunnooyin La Siiyo

Hoggaamiyaha Xisbiga u dagaalama xorriyadda dhaqaallaha ee dalka Koonfur Afrika (EFF), Juuliyas Maleema, Image Araweelo News Network, 19 Jun 2023.

#Araweelo_News_Network.

Johannesburg (ANN)-Hoggaamiyaha Xisbiga u dagaalama xorriyadda dhaqaallaha ee dalka Koonfur Afrika oo loo soo gaabiyo  (EFF), Julius Sello Malema, ayaa ku taliyay in Dowladdu siiso lacago gunnooyin ah Ardayda ka Qalin jebisay Jaamacaddaha gaar ahaan kuwa bilaa camalka ah.

 

“Waa In aan Ardayda ku abaal marinaa Halgankii ay soo mareen waxbarashadda, sidoo kale tallaabadani waxay dhiirri gelin u tahay la dagaalanka Jahliga” ayuu yidhi Julius Malema.

 

Hoggaamiyahan oo ah mid ay ku weyntahay qaddiyadda Afrikaanimada ,wuxuuna sidoo kale caan ku yahay qaddiyadda caddaan Nacaybka.

 

Xisbiga u dagaalanka Xorrriyadda dhaqaallaha (EFF) ee uu madaxda u yahay Julius Sello Malema ayaa u dagaalama in la soo celiyo dhulkii ay caddaanku qaateen xilliyadii ay guumaysanayeen waddanka Koonfur Afrika.

 

” Ballanteenu waa in dhulka la soo celiyo iyo in Ardayda la siiyo lacagaha gunnooyinka ” ayuu yidhi Juuliyas Maalema.

 

Sidoo kale, Julius Malema, ayaa dhallinyarada koonfur Afrika iyo guud ahaan dadka reer Koonfur Afrika ka codsaday inay Xisbigiisa u codeeyaan, wuxuuna sheegay in aannay waxba u qabsoomayn haddii aannay dadku u codeyn Xisbigiisa (EFF), waxa xusid muddan in xilligan Xisbigiisu haysto Taageerada ugu baddan ee dhallinyarada madowga ah ee waddanka Koonfur Afrika.

 

Warbixinta waxa qoray Dr.Ahmed Hassan Saalah, waxa  Tafaftiray oo isku dubariday Carraale M. Jaamac.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post