X
    Categories: Warar

Hoggaamiyaha Maamul Goboleedka Soomaaliya Ee Jubbaland Oo Ku Baaqay In La Dejiyo Khilaafka Dawlada Federaalka Iyo Madaxda Maamulada Gobolada

Araweelo News Network

 

Ahmed Madobe Madaxweynaha Maamul goboleedka Jubba land photo file

Kismaayo(ANN)-‘Madaxweynaha Maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe),  ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay arrinta Siyasadeed ee Khilaafka Wadamada Khaliijka kaas oo saameeyay xukuumadda Fedraalka ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.

Axmed Madoobe, waxa  uu sheegay in dowladda Dhexe ay muhiim aheyd in ay Go’aanka ay qaadaneyso wadatashi kala sameyso Madaxda Maamul goboleedyada dalka ka jira.

 

Sidoo kale waxa uu sheegay in Mamulka Jubbaland uu diyaar u yahay in Magaalada Kismaayo uu dhigo Gogol Nabadeed oo lagu dhex dhexadinayo dowladda iyo madaxda Maamul goboleedyada.

 

“Khilaafka ma laha horumar, waxaana loo baahanyahay in Soomaalida ay is ixtiraamto, ama heer federaal ha noqoto ama heer maamul goboleed ha noqoto, qadarin iyo wadatashi ayaa lagu gaadhi karaa horumar” ayuu yidhi Axmed Maxamed Islaam oo farta ku fiiqay in loo baahanyahay in dastuurka la soxo haddii ay jiraan qodobo aan kala caddayn.

”Waxaan rabnaa in aan magaalada Kismaayo dhigno gogol, taas oo ay marka hore isugu imanayaan madaxda maamul goboleedyada, oo aan ka wada hadalno, muxuu yahay doorka aan leenahay oo ka wada hadalno siyaasadda arrimaha dibada yaa xaq u leh, maxaynu xaq  u leenahay, kadibna aynu madaxda dowladda dhexe la fadhiisano oo aan wax isla meel dhigno” ayuu yidhi, Axmed Madoobe, wuxuuna sheegay in qodobada 54-aad iyo 53-aad ee dastuurka Soomaaliya  ay iska hor imanayaan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post